Guddiga doorashada Banaadiriga oo shaaciyay Liiska Guddiga soo xulista ee shanta Kursi.
Guddiga doorashada Banaadiriga,ayaa soo bandhigay Liiska Guddiga soo xulista ee shanta kursi. Doorashada shanta kursi ee Banaadiriga ayaa todobaadkan la qabanayaa, sida uu horay u shaaciyay Guddiga doorashada Banaadiriga. Halkan ka akhriso:-
Hey’adda IMF oo ku hanjabtay in ay joojinayso taageerada dhaqaale Ee Somaliya.
Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee dalka Soomaaliya Laura Jaramillo ayaa ka digtay inay joojin doonaan lacagaha ay ku taageeraan mushaaraadka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee Soomaaliya bisha May haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada dalka Somaliya. IMF ayaa tan iyo sanadkii 2017dii ka caawinaysay dowlada Soomaaliya bixinta […]
Ciidamada deegaanka Soomaalida oo xirxiray Siyaasiyiin ka soo horjeeday Madaxweyne Cagjar.
Xukumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay siyaasiyiintii damacsaneyd iney deegaanka kacdoomo ka sameeyaan ay dowladdu tallaabba ka qaadday. Hoggaanka Nabadgalyada Deegaanka Soomaalida Mubashir Dibad Raage oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay hadafka ay siyaasiyiinta uu qaswadayaasha ku sheegay ay leeyihiinna uu ahaa iney dowladda deegaanka ka jirto meesha laga saaro dadki shacabka […]
Biden”Putin wuxuu go’aansaday in uu ku duulo Ukraine”.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa gelinkii dambe ee shalay oo Jimco ahayd sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu go’aansaday inuu ku duulo Ukraine. Milateriga Ruushka ayaa ku dhawaaqay in Sabtida maanta ah ay sameyn doonaan dhoolatus ballaaran oo ay ku sameynayaan ciidamadooda istaraatiijiga ah ee Nukliyeerka, kaasoo Putin uu si shaqsi ah u kormeeri doono. […]
Gudiga Doorashada Fadaraalka oo shaaciyay in la jabsaday bartoodii Facebook.
Guddiga Doorashada Heer Federaal oo ku wargeliyey Ummadda Soomaaliyeed iyo Caalamkaba in Boggii ay ku lahaayeen Barta Facebook-ga uu galay gacan kale, sidaa daraaddeed intuu gacanta guddigu ku soo noqonayo wixii lagu faafiyo aysan waxba ka jirin.
Siyaasiyiintu, wax badan, wax aanan jecleeyn waa nagu buufiyeen ee.. =Nadashada Jimcaha. Q- 292=
Nin ayaa Bus u raacay Gobal, waxa uu fadhiistay Kursiga Gadaale, Gabar ayaa soo dhinac fadhiisatay, waxa eyna shidatay Sigaar. Dhowr jeer ayuu ku yiri: naga dami waa i dhibaahe. waxa ey ku tiri: Lacagteyda ayaan kala soo baxay. Waxa la tagay Tuulo, waxa uu ka soo iibsaday “Biif Baaf” sunta kaneecada. markii Buska la […]
Ma taqaannaa qaybta jirkaaga ka mid ah ee ku ilaalisa marka aad habeenkii hurdayso?!
Wali ma aragtay boolaboolo hurdeysa oo ma la yaabtay in ay hal il u furan tahay? Shimbirtaas iyo kuwo kale oo badanba marka ay seexdaan waxaa soo jeeda qayb ka mid ah maskaxdooda halka qaybta kalena ay hurdeyso. Hurdada noocaas ah waxay xayawaankaas ka caawisaa inay la socdaan xaaladda iyo dhaqdhaqaaqyada agagaarkooda iskana ilaaliyaan waxyeellada […]
Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo mowqif ka qaatay Arrinta Garbahaarey.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa si dar dar ah mamaul goballeedyada qaar uga socotay doorashada Golaha shacabka ee baarlamanaka cusub ee federaalka Soomaaliya iyadoo horrey loogu heshiiyay in lagu soo gabagabeeyo 25-kaan bishaan Febaraayo, waxaana ilaa iyo hadda la doortay boqolkiiba 55%. Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in maamul gobaleed kasta laba deegaan […]
Yaa cadaaladsan sidii uu gumaystuhu Soomaalida u qaybiyey qarnigii 19-aad & sida ay iyadu maanta isu qabinayso?.
1884-kii markii Gumaysigii reer Yurub ay shirkii Barlin yiraahdeen “Soomaalida haloo qaybiyo 5 qaybood,” dadka Soomaaliyeed aad bay uga xumaadeen. Tan kale markii ay ka xoroobeen gumeystihii Reer Yurub waxay Soomaalidu maalintaas u aqoonsatay maalin laga galay dembi wayn oo loo geystay dulmigii ugu waynaa ee abid soo mara dadka Soomaaliyeed, taariikhdaasna waxay ku qoreen […]
Talyihii Booliska Dalka Jabuuti oo Xabsi Guri la geliyay.
Ilo wareedyo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa xaqiijiyey in Taliyaha Booliska Col.C/lahi Cabdi la galiyey Xabsi Guri. Sababta loo galiyey xabsi guriga ma cadda ilaa iyo hada, waxaa kale oo aan caddayn cidda bixisay amarka lagu xiray taliyaha. Warku,waxuu kaloo tibaaxayaa in isna xabsi Guri la geliyey Wasiirkii hore Boode Rooble.