1 min read

Orodyahanadda heerka caalami ee dalka Spain oo 500 oo maalmood ku nooleed God.

Orodyahanadda heerka caalami ee dalka Spain ,ayaa ka soo baxday god, kadib markii ayshan boqol oo maalmood ay ku qaadatay god iyada oo aan wax xiriir ah la yeelan bini’aadamka, taasoo noqon karta rikoorka cusub ee adduunka.

Markii Beatriz Flamini ay gashay godka Granada, Ruushku kuma soo duulin Ukraine, duniduna wali waxay ku jirtay dhibaatada masiibada ee cudurka Covid19.

Waxay ka mid ahayd tijaabo ay saynisyahannadu si dhow ula socdeen.

“Waxaa dunida iigu war danbeysay taariikhdu markii ay ahayd bisha Noofambar 21, 2021. Lama socda haatan wixii ka dhacay adduunka xiligaa kadib,” ayay tiri ka dib markii ay ka soo baxday godka.

Ms Flamini, oo 50 jir ah, ayaa waxay godka gashay iyada oo 48 jir ah. Waxa ay wakhtigeeda ku qaadatay godka 70m (230ft) ee gunta dheer, iyadoo samaynaysay jimicsi, sawirid iyo xirashada koofiyadaha dhogorta leh.

Waxay heysatay 60 buug iyo 1,000 litir oo biyo ah, sida ay sheegeen kooxdeeda taageerta.

Waxaa kormeeray koox cilmi-nafsi-yaqaanno ah, cilmi-baarayaal, xeel-dheerayaal – khabiiro ku takhasusay daraasadda godadka – laakiin midkoodna waa khuburadee, lama xiriirin iyada.

Muuqaal uu duubay TVE-ga Isbaanishka, ayaa muujinayay iyadoo kasoo baxaysa godka, oo markaa dhoola cadeynaysa, ka hor intaysan isku duubin kooxdeeda.

Iyadoo wax yar ka dib hadlaysay, waxay ku tilmaantay khibradeeda mid aad u wanaagsan, oo aan la loodin karin.

“Waxaan aamusnaa sanad iyo bar, qofna lama hadlin laakiin naftayda,” ayay tiri, iyadoo saxafiyiintu ay ku cadaadiyeen faahfaahin dheeraad ah.

Flamini ayaa miisaan keedu uu hoos u dhacay, iyadoo sheegtay inaanay qubeysan muddo gaaraysa sanad iyobar.