1 min read

Madaxweyne Guudlaawe iyo Guddomiye Axmed Faal oo weli ka hadlin Nabadoon si Sharci daro ah ugu xi

Madaxweyne Guudlaawe iyo Guddoomiye Axmed Faal waxaa habeenkii 5aad Saldhiga Booliska ee Jowhar sifo sharci daro ah ugu xiran Nabadoon caan ah, kana soo jeeda Beesha Xawaadle oo lagu magacaabo Xuseen Maxamuud Jimcaale (Xuseen Daamey), isagoo weliba qaba wadno-xanuun iyo dhiig-kar.

Sharciga intii leysla yiqiinay wuu dhaafay xariga Nabadoonka, Maxkamadna lama hor geyn karo, waayo ma jiro dembi cad oo lagu soo xiray oon ka aheyn wiilkaaga ayaa lacag naga dhacay, adiga ayaana kaa maganeynaa.

War Nabadoonka halaga xishoodo, tolkiisana hala xushmeeyo. Inta leys leeyahay lacag baad ah xabsiga booliska halooga dhalaaliyo, haddii caawa uu xabsigaasi nabadoonka ugu geeriyoodo wadno xanuun iyo dhiigkar waxaa xaqiiqo ah iney mas’uuliyadeeda qaadayaan mas’uuliyiinta meesha ku xirtay.

Teeda kale saldhigyadii Booliska goorma ayay noqdeen goob dadka si sharci daro ah loogu dhibaateeyo? Fadlan share dhaha si Nabadoonka uu xoriyadiisa dib ugu helo, sidoo kalena fariintan u gaarto madaxda dowladda ee cadaaladda balanqaaday iyo Taliyaha Booliska ee saldhigyadii ciidankiisa ay danleey u bedelayaan goob dadka lacag looga liso, xitaa haddii uu maxbuusku ku dhimanayo.