1 min read

Madaxweyne Xasan oo saxeexay sharciyo saamayn xooggan leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasibad ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya wuxuu ku saxeexay illaa sideed sharci oo muhiima oo taabaya dhinaca ammaanka, arrimaha bulshada, khayraadka, dhaqaalaha, iwm.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada, sharciyada madaxweynuhu saxeexay oo ay hore u soo meel mariyeen labada gole baarlamaan ayaa kala ahaa:

1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada

2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,

3 .Sharciga Socdaalka,

4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,

6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,

7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.