1 min read

Taliban oo mamnuucay beerista Xashiishka.

Hebatullah Akhundzadeh oo ah hogaamiyaha Taliban, ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in gabi ahaanba ay mamnuuc tahay in lagu beero “Bang” oo Xashiis dalka Afghanistan.

Afhayeenka Taliban iyo waaxda arrimaha dowladda Taliban, ayaa daabacay qoraalka amarkan.

Hoggaamiyaha Taliban, ayaa ku amray maamulka inay burburiyaan beeraha “Bang” ama Xashiiska, iyo inay ku ciqaabaan dambiilayaasha “si waafaqsan shareecada.

“Bang” waa nooc ka mid ah geedka hemp. Dawladdii hore ee Afgaanistaan, ayaa ​​waxay sidoo kale ku dhawaaqday beerista iyo isticmaalka daroogada sharci-darro, laakiin “boqolaal kun oo hektar” oo dhul ah, ayaa dhab ahaantii lagu beeray.

Sanadkii hore, hoggaamiyaha Taliban, ayaa mamnuucay beerashada iyo soo saarista opium-ka, lamana soo hadal qaadin Xashiishka.

Inkastoo hogaamiyaha Taliban uu amar ku bixiyay in la mamnuuco beerista iyo ka ganacsiga maandooriyaha, Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan maandooriyaha, ayaa warbixin uu soo saaray bishii November ee sanadkii hore ku sheegay in tan iyo markii Taalibaan ay dib ula wareegeen awoodda, beerashada poppy ee Afgaanistaan ​​ay kordheen in ka badan 30 boqolkiiba, iyadoo dakhliga kasoo xarooda maandooriyahanna uu kordhay saddex laab.

Amar kale oo loo nisbeeyay Hebatullah Akhundzadeh, hoggaamiyaha Taliban, oo maanta la daabacay, ayaa lagu wargeliyay dhammaan mas’uuliyiinta wasaaradaha iyo waaxyaha dowladda, in shaqada laga eryo wiilasha aabbayaashood ka shaqaalaysiiyay goobaha ay maamulaan.

Wareegtadan, ayaa lagu faray in laga joojiyo shaqada, iyadoo loo cuskanayo “ qaraabo kiilnimo, iyo xiriiro gaar ah oo jira.

Xukunkan, ayaa lagu sheegay in haddii saraakiisha Taliban ay wiilashooda u magacaabeen xafiis, (la ruqseyn doono), marka la ogeysiiyo xukunkan.

Talibanka ayaa xilalka sare ee dowladda u qeybiyay xubnahooda. Ka mid ahaan la’aanta xubnaha dowladda Taliban, ayaa waxaa marar badan dhaleeceeyay hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka.

Ilaa hadda ma cadda tirada carruurta ay dhaleen saraakiisha dowladda, ee uu saameyn doono xukunka cusub ee hoggaamiyaha Taliban.