1 min read

Warqadda amarka xarigga ee Putin oo lagu tilmaamay Tiishka suuliga.

Falcelinta ayaa isaga soo daba dhacaysa si degdeg ah. Hogaamiyihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa aad ugu fogaaday inuu is barbar dhigo warqadda lagu xirayo Vladimir Putin iyo “warqado musqul ama tiishka”.

Ninkan oo madaxweyne ka soo noqday Ruushka, kadibna muddo dheer soo hayay xilka ra’iisul wasaaraha, ayaa si weyn u hadal hayay oo taageersanaa dagaalka Ukraine.

Sidoo kale afhayeenka Vladimir Putin, Dmitry Peskov oo wadahadal kooban suxufiyiinta kula yeeshay qadka taleefanka caawa, ayaa jawaabtan ka bixiyay amarka xarigga ICC ee madaxweyne Putin:

“waxa ay soo bandhigtay ICC waa mid aad looga xumaado oo aan la aqbali karin. Ruushka, oo ay weheliyaan dhawr dawladood oo kale, ma aqoonsana awoodda maxkamaddaas, sidaas darteed go’aannada noocan oo kale ah waa wax aan waxba ka jirin marka laga eego dhinaca sharciga.” ayuu yiri.

Peskov wuu diiday inuu su’aalo dheeraad ah ka jawaabo.

Ruushka ayaan xubin ka ahayn ICC, mana jirto wax laga filayo in tuhmanayaasha loo soo gacan geliyo.

hase yeeshee, amarka ayaa madaxweynaha Ruushka ka dhigi doona mid caalami ah oo ku adkeynaya inuu safro, gaar ahaan waddan kasta oo ka saxiixan maxkamadda ICC.

Xubnaha ICC waxay ku qasban yihiin inay xiraan cid kasta oo ay maxkamaddu ku soo eedayso dambi.