2 mins read

Natiijooyinka Kulamadii xalay ee Koobka Adduunka iyo kuwa maanta

Kabtanka Xulka K/cagta ee Wales Gareth Bale ayaa ka careysiiyay Mareykanka kulankii ay labada xul iskaga horyimaadeen garoonka Ahmed bin Ali ee ka tirsanaa Koobka Adduunka ee ka socda waddanka Qadar, kadib markii uu daqiiqadihii dhammaadka uu ka dhaliyay gool bar-bar dhac ahaa.

33-jirkan ayaa isaga oo isticmaalaya awood iyo khibrad gool rigoore ahaa ka dhaliyay xulka Mareykanka oo qeybtii hore ee ciyaarta gool ku nasiyay dhiggooda Wales.

Xulka Wales ayaa ciyaaray kulankoodii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka tan iyo 1958-kii.

Goolka Xulka Mareykanka oo ahaa mid qurux badan waxaa dhaliyay Timothy Weah, oo ah wiil uu dhalay ciyaaryahankii hore ee mar noqday ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunidan, haatanna ah madaxweynaha Liberia George Weah.

Tababaraha Wales Rob Page ayaa ammaanay ciyaartooyda xulkiisa, isaga oo dhinaca kale sheegay in xulka Mareykanku uu ahaa xulk adag, halkan tababaraha Mareykanka Gregg Berhalter uu sheegay xulka Wales ay wax badan ka bedeleen qeybtii dambe ee ciyaarta.

Ciyaartii kale ee ka tirsaneyd qeybtan B, xulka England ayaa 6-2 uga badiyay Iran.

Dhinaca Qeybta B, waxaa shalay si aad ah u qalbi jabay qaarada Afrika, gaar ahaan dalka Senegal oo ay ciyaartii furitaanka 2-0 ay kaga badiyeen xulka qaranka Holland daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Ibrahima Ndiaye oo ah tafatire sare oo ka tirsan wargeyska Le Soleil, oo ah maalinle kasoo baxa Senegaal ayaa u sheegay weriyaha VOA James Botti in ciyaartooyda Senegal ay ahaayeen kuwii ugu fiicnaa, balse laga yaabo waayo aragnimada ciyaartoydooda oo da’da yar ah iyo taatiko ahaan dhanka tababaraha.

Ciyaaraha kale ee maanta dhacayana waxay xulalku isku arko doonaan sidan;

Qeybta C: Argentina vs Saudi Arabia, Mexico vs Poland.

Qeybta D: Denmark vs Tunisia, France vs Australia.

Wixii warar iyo natiijooyin ah ee kusoo kordha Koobka Adduunka, halkan ayaad kala socon doontaan.

Qeyb ka mid ah warbxintan waxaan kasoo xiganay Reuters.