2 mins read

Macluumaad ku saabsan Qatar iyo u diyaargarowgeeda Koobka Adduunka.

Tirada shacabka ee dalka Qatar ayaa kor u kacday illaa 13.2% sannadkii la soo dhaafay, sida ay muujisay xog rasmi ah oo ay soo saartay dawladda Qatar. Dalkan ayaa haatan isu diyaarinaya inuu martigeliyo koobka adduunka ee bilaaban doona bisha November ee foodda innagu soo haysa.

Dalka Qatar ayaa sannadihii ugu dambeeyey wuxuu shaqaaleeyey kumanaan ajnebi ah, si ay u diyaariyaan goobaha lagu qabanayo koobka adduunka.

Tirada dadka ee ku nool dalka Qatar ayaa gaadhay 2.94 milyan oo qof, ka dib markii ay dalkaas u guureen illaa 370,000 oo qof oo dheeraad ah sannadkii hore, iyada oo lagu salaynayo xog la ururiyey bishii September ee sannadkan oo ay soo saartay hay’adda tiro-koobka ee Qatar toddobaadkii hore.

Shaqaalaha soo galootiga ah ee dakhligoodu yar yahay iyo ajaaniib kale ayaa inta badan ah shacabka dalkaas ku nool, halka dadka u dhashay Qatar ay gaadhayaan illaa 380,000.

Inkasta oo dalka Qatar uu qaatay shaqaale aad u tiro badan, haddana qabanqaabiyayaasha koobka adduunka ayaa sheegaya inay haysato shaqaale yaraan, maadaama la filayo inay dalkaas gaadhaan dad lagu qiyaasay 1.2 milyan oo qof, inta uu socdo koobka adduunku, taasoo la filayo inay culays badan ku keento kaabayaasha dalkaas, adeegyada martigelinta iyo weliba dhinaca ammaankaba.

Hawlwadeenada hotelka Accor ayaa qoranaya illaa 12,000 oo ah shaqaale cusub oo ku meel gaadh ah, oo ay debedda ka keensanayaan, si ay uga hawlgalaan illaa 65,000 oo qol, oo ku kala yaalla guryo iyo degsiimooyin kale oo loogu talo galay inay degaan taageerayaasha kooxaha ka qaybgelaya koobka adduunka.

Qatar ayaa kula heshiisay dalka Turkiga inuu dalkaas u soo diro, in ka badan 3,000 oo ah ciidamada rabshadaha ka hor taga, sidoo kale waxaa Qatar ay heshiis amni la gashay dalka Pakistan, si uu ciidamo ugu soo diro, inta uu socdo koobka adduunku.

Qatar ayaa dhistay waddooyin waaweyn, illaa toddoba garoon oo kubadda cagta ah, hoteello iyo dhismayaal dhaadheer, iyada oo dhismaha iyo maalgeinta kaabayaashaas ku bixisay lacag gaadhaysa illaa $229 bilyan oo dollar, sida lagu xusay warbixin maaliyadeed ay dawaddu soo saartay.

Ugu yaraan kala badh, dadka ku nool Qatar waxay ka shaqeeyaan dhinaca dhismaha.

Marka koobka adduunku dhamaado waxaa la filayaa in tirada dadka ku nool Qatar inay hoos u dhacdo illaa 1.2%, waxaana la filayaa sannadka 2027 ay tirada shacabka ee Qatar inay noqoto illaa 2.5 milyan oo qof, sida ay saadaalisay hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Reuters.