1 min read

Militeriga Soomaaliya iyo maleeshiyo deegaanka ah oo la wareegay degmada Moqokori.

Ciidamada Miltariga Soomaaliya oo ay taageerayaan miliishiyo deegaanka ah ayaa barqadii galay maagalada Moqokori oo ku taala bariga fog ee gobolka Hiiraan kadib markii ay halkaas isaga baxeen ururka Al-Shabaab.

Inta aanay ciidamada dawladda iyo miliishiyada deegaanka ah aanay qabsan Moqokori waxay horey gacanta ugu sii dhigeen tuulooyin ay kamid yihiin Gumare, Mooro eri, iyo Terdo oo dhammaantood ku dhow Moqokori.

Al-Shabaab ayaa xukumayay Moqokori tan iyo bishii Septemer sanadkii 2016 kii, markaas oo ay qabsadeen kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii dawladda iyo kuwii Itooiya ee halkaasi joogay.

Dhinaca kale hawgallo kale ayaa iyana lagu soo waramayaa in ciidamada dawladdu ka wadaan gobolka Galgaduud ee isla bartamaha Soomaaliya, waxaana uu weriyaha BBC-da uu soo sheegayaa in ciidamada dawladda oo ay taageerayaan miliishiyo deegaanka ah ay galeen dhawr tuulo oo Bari ka xiga magaalada Baxdo.