1 min read

Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday shir qaran oo looga hadlayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ku baaqay in la qabto Shirka Amniga Qaranka, kaasi oo looga arrinsan doono dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo kacdoonka Bulshada.

Shirkaan ayaa waxaa garwadeyn ka noqoneysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, iyada oo ay ka soo qeyb gali doonaan dhammaan Madaxda Golaha Amniga Qaranka.

“Waxa uu go’aamiyay qabashada shir qaran oo looga arrinsanaayo fidinta, dhiirigalinta iyo qarameynta kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah argagixisada oo ay garwadeen ka noqoneyso wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xukumadda Soomaaliya.

Kacdoon ka dhan ah Al-shabaab ayaa ka socda gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, ka dib markii shacabka deegaannadaasi u adkeysna waayeen falal la xiriira afduub, dil iyo ceelashii oo laga gubay.