4 mins read

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladeydu waxay la dagaalatsaa kooxaha Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish….”

NEW YORK — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud ayaa goor dhowayd khudbad ka jeediyey shirkaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uga socda magaalada New York.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa billaabay wax yar ka hor 7-dii fiidnimo xilliga Muqdishu, waxaana uu kaga hadlay caqabadaha haysta guud ahaan dunida sida isbeddelka cimilada, Covid-19 iyo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay shirka 77-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in caqabadaha dunida haysta ay isku xiran yihiin, ayna u baahan yihiin isbeddello waaweyn oo dunidu si wadajir ah ugu dhaqaaqdo iyada oo iskaashanaysa, si ay isbeddeladaasi u waaraan, waxna looga qabto isbeddelka cimilada dunida iyo caqabadaha dhaqan-dhaqaale.

Waxa uu sheegay madaxeynaha in fursadda la haystaa ay kooban tahay, waxaana uu sheegi in ficilka ay dunidu si wadajir ah ula timaado inuu tusaale u noqonayo sida xal loogu helo. Waxa uu sheegay in guuldarro aysan ahayn mid meesha ku jirta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cudurka Covid-19 ee dunida uu beddelay sida ay dunidu u nooshahay weligeed, waxaana uu muujiyey, ayuu yiri, sida aysan dunidu ugu diyaarsanayn qalalaase baaxaddaas leh. Waxaa kale oo qalalaasaha Covid-19 uu muujiyey, ayuu yiri, sida aysan dunidu u sinnayn marka ay noqoto ka jawaabista Covid-19.

Waxa uu sheegay in halka dunida horey u martay ay tallaalkii nafta badbaadinayey ay dadkooda horey ka siiyeen si aan sinnayna loo qaybiyey in waddamada Soomaaliya ka mid tahay ay sugeen hadba ciddii wax siisa.
Waxa uu sheegay inay Soomaaliya mahad uga hayso beesha caalamka iyo isbahaysiga caalamiga ah tallaalkii ay heshay. Waxaase uu sheegay inu rajaynayo inaysan sidaasi oo kale dhici doonin marka ay timaado wax ka qabashada qalalaasaha cuntada dunida.

Waxa uu sheegay in dunidu u baahantahay inay si wadajir ah u shaqayso ee aysan ahayn in dib loo gurto oo keli-keli loo waajaho dhibaatooyinka, loona khafiifiyo khataraha, lana maalgashado barnaamijyo u adkaysan kara isbeddelka cimilada, gaar ahana waddamada ka hooseeya saxaaraha.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay waajahayso abaar iyo macluul. Waxa uu sheegay in dawladdiisu ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbajoogta inay la shaqeeyan dawladda si looga hortago macluuul laga yaabo inay dhacdo. Waxa uu sheegay inuu ugu baaqayo dawladaha iyo ururrada baha-wadaagta la ah Soomaaliya inay u dheg raariciyaan baaqa dawladda ee ah in gargaar lala soo gaaro.

Waxa uu sheegay madaxweynuhu in dawladda Soomaaliya ay dhistay wasaaaradda bii’ada si ay wax uga qabato xaaladda degaanka ee sii adkaanaysa oo ay sii xumeeyeen daadadka iyo abaaaha.

Waxa uu shegay in loo baahan yahay in isbeddelka cimilada si dhab ah loo qaato, waxa uu sheegay in isbeddelka cimiladu yahay wax jira, waxaana uu sheegay in Soomaaliya iyo waddan gaar ah uusan horumaraynin haddii aan si wadajir ah loo wajahin caqabadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka haday dhibaatada ururrada argagaxisada sida Al-Shabaab iyo Daacish oo uu sheegay in dawladdiisu ay la dagaalamayso.

Waxa uu sheegay in khatarta ka imanaysa ururradaas ay sii xumaynayso xaaladda cuntada iyo barakaca. Waxa uu sheegay in argagxisadu aysan diin lahayn, aysan qiime u haynin nolosha aadanaha, ayna argagixiyaan dad aan waxba galabsan. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loogu wada istaago.

Waxa uu madaxweynuhu ku celiyey istiraatiijiyadiisa ah inaan kooxahaas looga guulaysan karin in lagu hayo meel gaar ah, lana wiiqo, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga guulaysto.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay burburiyeen ceelashii, islamarkaana ay dileen dad rayid ah, taasina ay keentay inay dawladda Soomaaliya, iyo maamul goboleedyada oo dadka degaanka taageero ka helaya ay ka jawaabaan. Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay billaabeen inay si iskood ah u kacaan iyaga oo taageeraya dadaalka dawladda ee ah in kooxahan laga guulaysto.

Waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in dadaalka bulshada oo lasii xoojiyo in dawladda Soomaaliya ay ka tirtiri doonto argagixisada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii waddo wadashaqaynta dhinacyada ay iskaashiga leeyihiin si loola dagaalamo argagixisada, waxaase uu sheegay inay Soomalaiya ka go’an tahay inay hawsha inteeda culus iyadu qabtaan.