1 min read

KOONFUR AFRIKA: Nin Ajinabi ah Oo Sheeko Yaab Leh Sameeyey!!!.

Hadalheyn badan ayey abuurtay arintani, kadib markii Nin Ajinabi ah uu ka furay Magaalada Johannesburg Beer Xayawaanaadka, gaar ahaan Libaaxyada u gaar ah, wuxuuna ka dhigay khidmadda ama Lacagta gelitaanka R50, balse Qofna ma imaanin, hadana wuxuu ka dhigay R25. oo kaliya, sidii oo kale Qof soo galo ayuu waayey, Wuxuu ka dhigay R10. hadana kadaalika nafar sooma galin.

Maalmo kadib (FREE ENTRANCE), ama soo galista waa Lacag la’aan, ayuu ku qoray, isagoo maanka ku haya sida Dadka Koonfur Afrikaanka wax walba ugu rabaan bilaash ama lacag la’aan (Mahala).

Ninkan oo u dhashay Dalka India, oo Ganacsiga aad ugu xeeldheer, ayaa markii uu arkay in Shacab badan soo buuxdhaafiyeey Beertiisa, waxa uu sii daayay Libaaxyadii Xerada ku awdnaa ee Dadku daawanayeen.

Arrinta la Yaabka leh ee uu ku kacayna waxay eheed inuu ka bixitaanka Beertiisa uu ka dhigay R200. ama Libaaxyada 😂

Abdulrazak IndhaJaceyl