5 mins read

Hadal kasta, Goobta aad ku sheegee iyo Cidda aad u sheegee iska hubi!!.=Nasashada Jimcaha. Q- 322=

1. Naag ayaa Ninkeeda uga shakisay in uu ka qaraabto Jaariyadda. Kadibna Jaariyadii ayeey Fasaxday iyada oo aan u sheegin Ninkeeda. Habeenkiina waxa ey seexatay Qolkii jaariyadda. Habeen barkii ayuu u soo galay, Dharkii ayuu siibtay. Waana ka qaraabatay. Markii shaqadii dhamaatay ayeey ku dhagtay oo ku qeylisay, Habeen kasta ayaan shanqarta Qolkaan maqli jiray oo aad u soo dhuuman jiraty Ninkeeygiyoow. Ninkii ayaa ku yiri: War Ninkaagii ma ihi, waxaan ahay Waardiyihii Guriga. Nineedii oo qeyladii ku soo toosay oo Qolkii yimid ayaa Nalkii shiday. Maxaad sugee? ( F.S: 1aad)

( Diinta ayaa noo sheegatay, “Malada Qaar “Danbi waa Dambi”. Wax hala hubsado, sheydaan yuuna wax kale kuu suureyn si uu Dambi kuu galiyo, Gurigaagana u dumiyo)

2. Koo qurbaha ka yimid ayaa Gabar uu bartay ka qortay Tel. Numbarkeeda, kadibna waxa uu u qoray message, my babe, I missed you ,can we meet Tonight.
Gabadhii dhowr Habeen oo uu fariin u qorayay uma imaan. Isaga oo careeysan ayuu u qoray “Fack somali girls”.
Saxiibteed ayuu tusay oo ku tiri: Adigaa ka gar daran, sababta oo ah Aamino Af Ingriiska ma taqaan, waa is faham la’aan. ( F.S: 2aad)

( Ingriiska Allow Sahalka ah iyo Shukaansiga ilbaxnimo doonka ah ha leys waafajiyo)

3. Imaamkii Masjidka oo wacdinayo Jamaacadii Masjidka ayaa yiri: Nin ayaa Janadda galay, waxaa la geeyay Guri weyn oo ey Joogaan Haween aad u qurux badan, waxaa lagu yiri: Waa Xuurul Ceyntaadii Jannada. Wuu ku orday, waxaa lagu yiri: Sug kuwa kasii qurxan ayaa Gudaha ku sii jiro, Qolkii Fadhiga ayaa la geeyay, waaba Qurux tii ugu badneed, waxa  u cararay Xagooda. Waxaa lagu yiri: Sug, Kaalay Qolka Jiifka waa ku jirto tii ugu qurxaneed oo ah Xaaskaagii Aduunka oo Ahlu Janno ah.
Markii uu Shiikhu halkaa marayo ayaa mid Jameecada ka mid ahi Qeyliyay oo yiri: Shiikhoow Halkaa ku jooji wacdiga, Maanta oo dhan wacdi fiican ayaad noo sheegeysay. Laakin hadda. Maya. Maya,  Ma tii Aduunka ee aan ogaa ayaad Janadii noogu keenatay. Shiikhoow, Waxaan u maleynaa Xadiithkaasu waa Laciif, yaa soo wariyay.

( Ar maxey ku samey jirtay Xaasku, Rag aan Dunida ku fiicneynba waa jiraan. Ee labada is qabtooy, Aduunyo fi Nimco, Aakhro fil Janno ku wada duceeysta, Noqda Qoys faraxsan) ( F.S: 3 & 4aad)

4. Imaamkii masjidaka ayaa yiri: Nolosheeyda inta badan waxaan la noolaa Naag aan jeeclaa oo qurux badneed oo marar badan xabadka i saari jirtay. Dadkii ayaa mar qura ka wada naxay, Taariikhdiisa iyo waxa uu ka sheekeynayo waana ku qeyliyeen. Waxa uu ku yiri: war bal suga Naagtaa qurxaneed ee mar mar xabadka i saari jirtay nolosheyda inta badanna aan la noolaa waxa ey aheyd Hooyadeey.
Mar kaliya ayaa Dadkii neeftu ka soo go’day oo la wada qoslay.
Mid ka mid ahaa Jamaacadii ayaa markii uu Gurigiisa tagay, ugu galay Xaaskiisa oo kushiinka Hilib ku jarjaree. Sidii shiikhii oo kale ayuu u bilaabay sheekadii. Dhameeystir lagama sugin. Hadda, waxa uu jiifaa Isbitaalka Somali Sudanese Hospital ee Deg. Hodon, si looga saaro Middi madaxa ey uga muday. ( F.S: 5aad)

( Hadal kasta, Goobta aad ku sheegee iyo Cidda aad u sheegee iska hubi)

5. Gaalkacyo ayaa waxaa Dukaan ka furtay Jamac yare oo Qurbaha ka yimid. Dibadda ayuu u noqday, Dukaankiina waxa uu uga tagay Xaaskii iyo  Caruurtiisa.  Xarakada Al Shabaab Al Mujaahidiin, ayaa soo wacday Xaaskii iyo Caruurtii looga tagay Dukaanka, iyagiina waa aadi diideen, iyaga oo leh Aabe ayaa maqan. 5 Bil kadib ayuu Aabihii yimid una tagay Xarakadii. waxa uu yiri: Barkee, aad ugu yeereeysiin Caruurta, Anigaa Joogo hadda, Lacagtii Zakaduna waa iga diyaar, Alore, Amiiji  Anigu Talyaaniga ayaan Joogi jiray, waan aqaan sida Maafiyada loola macaamilo.

yaah, yaah, ma Xarakadii Islaamka ayaad Maafiyo kala mid dhigtay. Jamac waxaa loo diray 6 Bilood oo dhaqan Celin ah, Mucaskarka dhaqan toosinta.

( Ar, Diaspora  iyo Xarakada Islaamka maxaa kala heysto. Qurba joogey waa idiin digaa. Luqada Mujaahidiinta iyo Luqada Qurba joogta farqi ayaa u dhexeeyo, hayeey ogaada dhaqankii Qurbuha iyo eray bixinta Gaaladu  inta kama socdaan  )

6. Wiil yar ayaa Nin Ganacsade ahaa oo Suuqac Bakaaraha Xafiiska dhoofinta iyo Soo dajinta, Import & Export XXX ku lahaa  ku yiri: Adeer Anigu Xaafadda aan deganahay waxaa laga cunaa Lugaha Doorada” Digaaga Lugaha oo kaliya ayaa nalooga jaraa inta kale Xaafdeena lagama cuno. Ganacsadihii ayaa xoogaa fikeray , walaahi Xaafadaa Suuq ayaa ka banaan, Haddii Lugihii oo kaliya laga jaray Dooradii Xaafadda oo dhami waa Curyaamiin aan Luga leheyn. Yaan la iiga hormarin.

Hadda Ganacsadihii Somaligu waxa uu jiraa Dalka Shinaha, waxa uu doonay Kursiga Curyaamiinta Digaaga “Chicken  wheel chair” . ( F.S: 6 & 7aad)

( Sida Caalamka qaar somaliya samafalayaal Dooro ma joogaan,  Somaliya Dooro Lugteeda la cunay ma noolo,

( Ar Ganacsatada Somalida hala baro, Qorshaha iyo baahida iyo Badeecada ka dhexeeyo, maxey ku khasaareen Ganacsatadu Suuq aan la hubinin baahida ka jirto )

Qore:Yahya Amir