2 mins read

CASHAR CIBRO AH: “Wuxuu ahaa ahlu cibaado balse markii moowdku usoo xaadiray ayaa lagu kari waayey Shahaadada!” – Muxuu samayn jirey?!

Nin Xaasle ah Ayaa Hada Ka Hor Sakaraatka Ku dhibtooday Sedex habeen Oo is xigta Xaaskiisa Ayaa Rasuulka (NNKH) u tagtay Ayadoo ka cabanaysa xaalka ninkeeda Waxey tiri:

“Muu, iska bogsado oon ka raaxeysano ama Muu iska dhinto ha iska raaxeysto e,” ninku se ashahaadada xitaa ma awoodo in uu ku dhawaaqo.

Nebi Maxamed C.S.W ayaa ku yiri ; Aaway hooyadiis ? Isaga Oo dalbada in Ninkaan Hooyadiis loo keeno … Wa ay timid Nebiga ayaa ku yiri :” War bal Wiilkaagan Xaalkiisa Ka Waran Muxuu Camalkiisu ahaa.?!!

Ninka Xanuunsan Ee Mucjizada Lagu Cibro qaato La tusiayay Hooyadiis Waxey tiri, Wiilkaan waxa uu ka mid ahaa Kuwa Salaadaha Xifdiya Xuska Rabbigiisne Afkiisa kama Qalalin.

Nebi Muxamed C.S W Ayaa Ku Yiri: Howshaas Kuma Weeydiin Ee adiga iyo Asiga Xagga Xiriirkiina Sidee isku aheeydeen.? Waxey tiri Rasuulkii allow Waxaan ka baqaya in aan been kuu sheego oo dabadeed waxyi igu soo dago oo beenteydii laygu fadeexeyo wllhi baan ku dhaartee waan u caraysan ahay.

Rasuulka csw ; waxa uu ku yiri “sabab” Waxeey tiri markuu xaaskiisa la kulmo “Weji farxad ayuu Ku qaabilaa ….Amaa Aniga Oo Hooyadiis ah markuu ila kulmo Wejiga ayuu igu gubijiray oo badeli jiray.

Tan kale xaaskiisa hadal macaan ayuu kula hadli anigana hadallo adag oo qalafasan ‘markuu raashiin iyo dhar soo iibiyo xaaskiisa ayuu inta ugu fiican usoo reebi jiray anigana kuwii ay ayada tiraahdo kuwan u gee.

Rasuulka C.S.W Waxa uu yiri xaabo haley keeno waa la gubaa ‘markaasey qaylisay “sidee loo gubaa wiilkeeyga nafsadeeyda ayaan ku furana.

Markaasuu rasuulka csw ku yiri haddii aadan cafin oo uu sidaas ku dhinto jannada in uu galo iskadaaye carafteeda xitaa heli maayo.

Markaas ayeey hooyadii tiri waxaan marqaati ka dhiganaa allaah iyo malaa’igtiisa in aan raali ka noqday wiilkeeyga janadana aan la jeclahay in uu galo.

Iintaas ka dib Rasuulka C.S.W waxa uu raggii jamaacada ahaa ku yiri ordoo soo Eega xaalkiisa.

Markii ay Xaafadii yimaadeen Waaba Ninkii oo wejigiisa sida nalka u ifay oo ashahaadada ku celcelinaaya, Isla aqtigaa ayeey ruuxdii ka baxday.

FG: Gabar kastoo dooneyso in uu Ninkeeda Khaatumo Wanaagsan Ku dhinto Hooyadiis Ha Wanaajiso Haddii Kale Yaa Weeylak Gabareey.

WD: Xamdi Caweeye