2 mins read

Shirkad soo saartay wershedo yaryar oo ku shaqeeya tamarta Nukliyeerka, si ay Yurub u hesho laydh jaban oo ku filan.

NIIKOSIA, CYPRUS – Xilli ay wadamada Yurub ay la baaxaa degayaan qiimaha sarreeya ee shidaalka iyo laydhka oo ka dhashay, ka dib markii uu Ruushku xakameeyey gaastii iyo shidaalkii uu u dhoofin jiray wadamada Yurub, ayaa haatan waxaa soo baxaya shirkado gaar loo leeyahay oo doonaya inay ka faa’iidaysaan fursaddaas , isla markaana ay hindisaan habab casri ah oo dalalka Yurub ay ku heli karaan tamar jaban.

Shirkadda Rolls-Royce SMR ee fadhigeedu yahay dalka UK ayaa sheegtay inay soo saarayso wershed yar oo casri ah oo ku shaqaynaya tamarta nukliyeerka, taas oo qiime ahaan aad uga jaban inta haatan lagu dhiso wershedaha waaweyn ee ku shaqeeya tamarta nukliyeerka, sidoo kalena wakhti ahaan ka yar inta lagu dhisayo wersheddaas.

Wersheddan casriga ah ee ay hindistay shirkaddani ayay sheegeen inay soo saarayso tamarta ay u baahan yihiin dalalka Yurub, waxayna durba heshiisyo kala duwan ay la gashay dalal badan oo Yurub ku yaalla oo uu ugu horreeyo dalka Ingiriisku.

Dalal badan oo Yurub ku yaalla ayaa haatanba ku tiirsan laydhka ay ka helaan wershedaha ku shaqeeya tamarta Nukliyeerka, sida dalka Faransiiska, iyo dalka Jarmalka oo haatan qorshaynaya inay dib u kiciyaan laba wershedood oo ku shaqeeya tamarta nukliyeerka oo la xidhayo sannadkan dhamaadkiisa.

Hindisaha cusub ee shirkadda Rolls-Royce SMR ma xallinayo duruufaha haatan ka jira wadamada Yurub ee la xidhiidha, korodhka u yimi qiimaha shidaalka iyo laydhka, hase ahaatee waxay qaadanaysaa inay dhimsha wershedahooda ku dhamaystiraan muddo shan sano iyo badh ah.

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa deegaanka oo aad ugu xoog badan dalalka Yurub ayaa si weyn uga soo horjeeda in la dhiso ama Yurub ay ku sii tiirsanaato tamarta laga dhaliyo wershedaha ku shaqeeyo hubka nukliyeerka, iyaga oo ka digaya dhibaatada ay u keenaan deegaanka iyo bii’adda.

Si taas la mida, waxaa haatan walaac badan laga muujinayaa habka loo maaraynayo qashinka wershedda oo ay ku jiraan shucaac aad u sarreeya iyo haddii farsamada casriga ah ee wershedahani ay gacanta u gasho dalalka doonaya inay samaystaan hubka nukliyeerka, kuwaas oo uga faa’iidsan kara, ama inay helaan kooxo si gurracan u isticmaala.

Shirkadda ayaa sheegtay in qiimaha ay wershedahan casriga ahi ku kacayaan inay gaadhayaan inta u dhexeysa $2.5 illaa $3.2 billion dollars, waxaana dhismaha wersheddu uu ku dhamaanayaa shan sano iyo badh, halka wershedaha hore ee ku shaqeeya tamarta nukliyeerku inay qaataan in la dhiso illaa toddoba sannadood iyo badh, waxaana qiime ahaan ay ku kacaan inta u dhexeysa $6 billion illaa $9 billion oo dollar.

AP