2 mins read

Midowga Afrika oo sii kordhinaaya dadaalka Nabadeed ee dalka Itoobiya.

Ururka Midowga Afrika ayaa Sabtidii sheegay inay kordhiyeen muddo xileedka Ergayga Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo, kaasoo hoggaaminaya dadaallada nabadda ee Itoobiya oo dib u soo cusboonaatay ka dib markii ay soo cusboonaadeen dagaallo.

Talaabadan ayaa imaanaysa in kasta oo jabhada Tigray-gu ay diideen doorka Obasanjo ee wadaxaajood kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka qaraar ee 22-ka bilood ay kula jiraan ciidamada dowladda iyo xulafadooda.

“Waxaan ku celiyay kalsooni buuxda oo aan ku qabo Obasanjo, waxaana ku dhiirigeliyay sii wadida wadashaqeyntiisa labada dhinac iyo beesha caalamaka, si ay uga shaqeeyaan nabadda & dib u heshiisiinta Itoobiya iyo gobolkaba,” ayuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray madaxa guddiga Midowga Afrika Moussa Faki kadib markii uu la kulmay Obasanjo.

Waxaa socda dadaallo diblomaasiyadeed oo waara oo lagu doonayo in xal nabadeed lagu dhammeeyo colaadda kadib markii uu dib uga soo cusboonaadeen dagaalladii waqooyiga Itoobiya bishii hore, kaas oo burburiyay xabbad-joojintii bishii Maarso.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku adkaysatay in wadahadal kasta oo lala yeesho jabhadaha ay tahay inuu dhexdhexaadiyo Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay magaalada Addis Ababa.

Laakiin TPLF, ayaa iyaduna ka dhiidhisay “u-dhowaanshaha” Obasanjo oo ah madaxweynihii hore ee Nigeria ee hoggaamiyaha Itoobiya.

Faki, waxa kale oo uu Sabtidii sheegay in uu la kulmay ergeyga cusub ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer, waxaanu yiri “Waxay isla garanay baahida loo qabo in saaxiibada caalamku ay taageeraan hannaanka uu Midowga Afrika u hoggaaminayo dhinacyada si loo soo afjaro colaadda Itoobiya.”

Dagaallo dhowr jiho ah ayaa ka dhacay waqooyiga Itoobiya, kuwaas oo walaac geliyey beesha caalamka, waxaana la joojiyey gargaarkii la gaarsiin lahaa gobolka Tigray ee ay colaaddu ku habsatay.

Hogaamiyaha TPLF Debrecen Gebremichael ayaa horraantii toddobaadkan soo jeediyay xabbad-joojin shuruud ah warqad uu u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, wuxuuna ugu baaqay guddi “la aamini karo” oo dhexdhexaadiyayaal caalami ah.

Debretsion ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Eritrea laga saaro guud ahaan dalka Itoobiya, isla markaana ciidamada kale laga saaro galbeedka Tigray oo ah gobolka ay ku muransan yihiin Axmaarada iyo Tigrayga.

Dowlada Itoobiya ayaan si cad uga hadlin soo jeedinta TPLF.

AFP.