1 min read

Waalidka: Ha wal walin!!!.

Nin weyn iyo Hooyo Canjeero i sii waa ceebta Xamar taal.

Waan ogahay in shaqo la’aan baahsan ey Dunida iyo gaar ahaan Dalka ka jirto.

Waan ogahay in Alla ku siiyay Caafimaad, Xoog, Garaad iyo Aqoon aad ku shaqeysan karto.
Waalidkaa intii aad yareed wey kugu soo dadaaleen si aad u soo gaarto halka aad maanta joogto.

Waxa ey kaa sugayeen in aad gudato waajibkii Alla kaa saaray si aad Aduun iyo Aakhiraba ugu faa’iido.

Laakin, ka waran iyaga oo Da’ ah oo weli sidii Caruurnimadaadii ey kuu xanaaneynayaan, in aad ku sii dhibto.

Ka waran Adiga oo weyn, wax bartay in aad weli joogto Hooya Canjeero i sii, Aabe Bus raac i sii.
Yaanan Canaanta ku badine, Shaqa tag waalidkana u xanaaney sidii ey kuu xamaaneeyeen markii aad yareed. ( F.S: 1aad)

Allah, ha kuu fududeeyo gudo waajibkaa. Aamiin, Aamiin.

Qore: Yahya Amir