1 min read

Amiir Charles oo dhaxlay taajka boqortooyada Ingiriiska.

LONDON – Amiir Charles oo illaa caruurnimadiisii loo diyaarinayey inuu maruun dhaxlo taajka boqortooyada ee dalka Ingiriiska ayaa haatan ugu dambayn waxaa yimi xilligii loo carbinayey, isaga oo kursiga boqortooyada la wareegay xilli ay da’diisu tahay 73 jir.

Amiir Charles, oo ah qofkii ugu da’da weynaa ee abid dhaxla taajka boqortooyada Ingiriiska, ayaa haatan wixii ka dambeeya waxaa loogu yeedhi doonaa Boqor Charles III (Boqor Charles-kii saddexaad), ka dib markii ay geeriyootay hooyadii Queen Elizabeth II oo boqortooyada dalka Britain soo maamulaysay 70-kii sannadood ee ugu dambeeyey.

Boqor Charles III ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee dhaxla boqortooyada Britian ee waxbarashadiisa qaybo ka mida ku soo qaata dalalka debedda, sidoo kale wuxuu noqonayaa boqorkii ugu horreeyey ee haysta shahaado degree ah.

Illaa haatan wakhti looma qaban, xilliga ay dhacayso caleemo saarka boqor Charles III.

AP