1 min read

Mareykanka oo farriin digniin ah u diray muwaadiniintiisa Kenya.

Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ayaa muwaadiniinteeda ka codsatay in ay si weyn uga taxaddaraan gudaha dalka Kenya xiligan oo la filayo in maxkamada ugu sarreysa Kenya ay go’aan ka gaarto doorashada Madaxtinimada dalka Kenya.

Garsooreyaasha Maxkamadda ayaa xukunka ku dhawaaqi doona 5-ta September 2022-ka.

Warsaxaafadeed ay safaaraddu siisay warbaahinta ayaa lagu sheegay in Kenya ay ka xiisado ka abuurmaan ka dib doorasho kasta.

Bayaanka ayaa si gaar ah looga codsaday muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Kisumu in ay feejignaadaan maalinta ay go’aanka soo saari doonto doonto maxkamadda.

“Bannaanbaxyada la xiriira doorashooyinka iyo shirarka ayaa inta badan dhaca doorashada kaddib, mararka qaarna waxay sababaan in waddooyinka ay maraan bannaan-baxayaal rabshado wata, taaso ah xaalad u baahan in ciidamada booliska ay soo farageliyaan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Kisumu waa magaalo ka tirsan gobolka uu ka soo jeedo mid ka mid ah musharixiinta u tartamay xilka madaxtinimo ee Kenya, kaasi oo ah Raila Odinga, isago maxkamadda ka codsaday in la joojiyo ku dhawaaqista William Ruto inuu ku guuleystay doorashada madaxtinimada.