1 min read

Sacuudiga oo baaraya muqaal laga duubay gabar da’yar oo ciidamo garaacayaan.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay fureen baaritaan kadib muuqaalo la soo dhigay internetka oo u muuqday kuwa muujinaya ciidamada ammaanka oo garaacaya gabar da’yar oo ku sugneed xarun lagu hayo ilmaha agoomaha.

Hal sarkaal ayaa u muuqday mid ku jiidaya dhulka gabadha yar oo qaylinaysa isaga oo tinta ku dheggan,sidoo kalana muuqaalka ayaa laga arkayay nin askari ah uu ku garaacaya sun gabadha.

Gabdho kale ayaa ka muuqanayay muqaalka kuwaas oo la eryanayo laguna garaacayo alwaax.

Sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen iyo waqtiga ay dhaceenba ilaa iyo hadda lama caddeyn,balse qof dumar ah oo Twitter-ka isticmaasha ayaa sheegtay inay tafatirtay muuqaallada oo gabdhahan wadeen olole ka dhan ah musuq-maasuqa iyo caddaalad-darrada, kaddib markii ay xuquuqdooda ka dalbadeen xarunta agoomaha oo la diiday waa sida ay sheegtay.

Kadib waxay soo bandhigtay sawiro muujinaya wax ay ku sheegtay nabaro gaaray gabdhaha weerarka loo gaystay waxayna intaa ay ku dartay in sarkaal sare uu u hanjabay hadii aan muuqaalada laga saarin baraha bulshada.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka iyo mucaaradka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin muuqaalkan ka dib markii uu soo baxay habeenimadii Talaadada, waxaana baraha bulshada aad u qabsaday muqaalkan.

Muqaalka gabadhan ayaa sidoo kale sii xoojiyay walaaca laga qabo tacdiyada haweenka loogu gaysto dalka Sacuudiga.Dowladda ayaa loogu baaqay in ay tallaabo ka qaaddo kuwa muqaalka ka muuqanaya ee dhibaatada b’an u gaysanaya gabadha yar.