3 mins read

Maxkamadda Sare ee Kenya oo amartay in dib loo tiriyo qaar ka mid ah sanaadiiqdii codbixinta.

NAIROBI — Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa amartay in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay 15 goobood doorashadii dhacay 9-kii bishan Ogosto, iyadoo maxkamaddu ay bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah guusha madaxweynaha la doortay ee William Ruto.

Codsiga dib-u-tirinta ee Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa, Matha Karua, ayaa ahaa 15 goobood oo codbixineed oo ku kala yaalla afar gobol oo kala ah Kericho, Nandi, Nyandarua iyo Mombasa.

Saddexda goobood ee Kericho, Nandi, Nyandaruagobol ayaa si weyn ugu codeeyay Ruto, halka dadka deggan Mombasa ay u codeeyeen Odinga.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in dib-u-tirinta lagu sameeyo 48 saacadood gudahood.

Madaxa caddaaladda ee dalka Kenya Martha Koome ayaa sheegtay in marki ay tixgaliyeen doodda ay soo bandhigeen Raila Odinga iyo qareenadiisa ay garsoorayaashu soo saari doonaan go’aan ku saabsan dhowr su’aalood.

“Arrinta koowaad [waa] in teknoolajiyadda ay guddiga doorashada ee IEBC u adeegsadeen qabashada doorashada guud ee 2022 ay buuxisay heerarka daacadnimada, xaqiijinta, amniga iyo hufnaanta si loo xaqiijiyo natiijooyin sax ah oo la xaqiijin karo,” ayay tiri Koome.

“Arrinta labaad ayaa ah haddii ay jirtay wax is-dabamarin markii la soo dejinayay ama lasoo gudbinayay foomamka 34A ee goobaha codbixinta ee la galiyay bogga IEBC dadwaynaha. Arrinta saddexaad ayaa ah haddii uu farqi u dhexeeyo foomamka 34A ee la soo galiyay bogga dadweynaha ee IEBC iyo foomamka 34A ee ay la geeyay Xarunta Qaran ee la socodka natiijada iyo foomamka 34a oo la siiyay wakiilada goobaha codbixinta”.

Foomka 34A waa foomka lagu saxiixo xarumaha codbixinta ee deegaannada kadib marka la dhammeeyo tirinta codadka. Marka la saxiixo, foomkan waxaa loo diraa Xarunta Qaran ee la socodka tirinta codadka, si loogu daro wadarta codbixinta madaxweynaha.

Maxkamadda sare ayaa sidoo kale eegi doonta haddii ay jirto kala duwanaan codadka guud ee la dhiibtay ee musharixiinta madaxweynaha iyo jagooyinka kale ee doorashada, sida guddoomiyeyaasha iyo senetarada.

Sidaas oo kale, garsoorayaasha ayaa eegi doona in Ruto uu helay in ka badan 50% codadka – oo ah shuruudaha looga baahan yahay in looga fogaado doorasho kucelis ah – iyo haddii ay jiraan wax isdabamarin iyo khaladaad ku yimid habka tirinta oo saameyn ku yeelan kara natiijada.

Odinga ayaa ku loolamaya natiijada rasmiga ah ee doorashada ee looga adkaaday cod yar. Ruto ayaa helay 7.1 milyan oo cod, halka Odinga uu helay 6.9 milyan.

Odinga iyo kooxdiisa ayaa aaminsan in doorashada loogu shubay Ruto, iyadoo lagu eedeeyay in ay gacan ka heleen qaar ka mid ah saraakiisha doorashada iyo guddoomiyaha guddiga doorashada ee IEBC Wafula Chebukati, arrintaas oo guddoomiyuhu uu beeniyay.

Dhageysigii dooddan ee Talaadadii, ayaa qareennada ka socda labada dhinacay ee iska soo horjeedy isku khilaafeen cidda xaqa u leh in ay matasho IEBC, inkastoo ay maxkamaddu sheegtay in ay aqbali doonto doodda dhammaan guddiyada.

Dhageysiga dooddan ayaa la filayaa inuu socdo ilaa Jimcaha.