1 min read

Ciyaaryahan Aubameyang oo ay burcad gurigiisa ku weerartey.

Laacibka kooxda Barcelona, ee Pierre-Emerick Aubameyang, ayaa dhibaato xoog leh looggu geystay gurigiisa.

Kooxda ayaa sheegtay in afar nin oo hubeysan ay soo galeen guriga weeraryahanka u dhashey dalka Gabon aroornimadii isniinta oo ah maanta, ayna ku qasbeen inuu furo meel ay hanti muhiim ah ugu keyd sanaayeen.

Burcaddii, ayaa waxay jabiyeen qasnad lagu hayey Dahab.

Dhowr jeer ayaa lagu jabsaday guryaha ciyaartoyda ka ciyaara kubada cagta ee dalka Spain, laakiin intooda badan waxay dhaceen xili xiddiguhu ay ka maqan yihiin guryahooda.