1 min read

Ciyaaryahan Pogba oo sheegay inay bartilmaameedsadeen kooxo dambiilayaal ah oo abaabulan.

Ciyaar yahanka Paul Pogba, ayaa sheegay in uu u noqday bartilmaameed baad iyo hanjabaadba kooxaha dambiyada abaabulan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Juventus, una dhashey dalka Faransiiska, ayaa soo saaray war qoraal ah oo uu soo marinayo qareenadiisa maalintii Axaddii ina dhaaftay.

Wakaalada wararka ee Faransiiska ee “AFP” oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah, ayaa sheegtay in booliiska dalka Faransiiska ay bilaabeen baaritaan.

Mar sii horeysay, ciyaar yahan Pogba walaalkii Mathias, ayaa soo dhigay muuqaal online ah, isagoo balan qaaday inuu daabici doono “warar xasaasi ah ” oo ku saabsan ciyaaryahanka.

Mathias Pogba, ayaa sheegay in warkaasi uu noqon karo “war weyn”, isagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah.

“Waxa ku jira hanjabaad iyo isku dayo baad ah, oo ay koox burcad ah oo abaabulan lidna ku ah ciyaar yahan Paul Pogba ay soo gudbinayaan” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Maamulka awoodda u leh ee dowladaha Talyaaniga iyo Faransiiska, ayaa lagu wargeliyay bil ka hor, mana jiraan faallo dheeraad ah oo la xiriirta baaritaanka socda.”

Laacibka Koobka Adduunka kula guuleystay kooxda dalkiisa ee Faransiiska sanadkii 2018-kii, Pogba, ayaa ugu wareegay heshiis madax kooxda Juventus xilli ciyaareedkan, kadib markii uu ka tagay kooxda Ingiriiska ee Manchester United.

Muuqaaladiisa, Matthias Pogba wuxuu ku yiri ” adduunka oo dhan, oo ay ku jiraan taageerayaasha walaalkay, iyo kooxda qaranka Faransiiska iyo kooxda Juventus, saaxiibada walaalkay, iyo intii kalaba waxay mudan yihiin inay ogaadaan waxyaabo gaar ah”.

Waxa uu sheegay in warka weyn ee uu shaacin doono uu ku lug yeelan doono wakiilka Pogba, Rafaela Pimenta.