1 min read

RW.Xamse oo la kulmay Ciidan loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan Howlgalka ka socda G/Hiiraan.

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo uu wehliyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe ayaa maanta soo kormeray Xerada Ciidamada Xoogga dalka Lamagalaay ee Magaalada Beledweyne.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo sida ay u socdaan Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Ciidanka faray in ay diyaar garoobaan xoojinta howlgalada ka dhan ah Al-shabaa ee ka socda deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.