1 min read

Ciyaaryahanka reer Djibouti Sabri Cali oo lagu soo rogay ganaax afar sano ah.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jabuuti, Sabri Cali Maxamed, ayaa afar sano laga ganaaxay ciyaaraha kubadda cagta, kaddib markii lagu helay inuu isticmaalay daroogada.

21-sano jirkaan u ciyaara kooxda maxaliga ah ee FC Dikhil, ayaa lagu soo rogay ganaax ka yimid hey’adda maamusha ciyaaraha Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA maalintii Isniintii ee ina dhaaftay, kadib markii baaritaan lagu sameeyey intii aanay dhicin ciyaar ka tirsanayd isreebreebka Koobka Adduunka 2022.

Maamulka kubbadda cagta adduunka, ayaa sheegay in Sabri Ali laga helay maadaamo kordhisa awoodda, kadib ciyaartii guuldaradii kasoo gaartay xulka Djibouti, oo ay 4-0 kaga adkaatay xulka xulka qaranka dalka Algeria, 12kii Noofambar 2021.

Maadada laga helay ciyaar yahanka, ayaa ku jirta liiska waxyaabaha la mamnuucay ee Xeerka Ka-hortagga maadada kordhisa awoodda ee Adduunka.

Ciyaaryahanka ayaa sheegay inuu bilaabay qaadashada irbado maado la yiraahdo isteeroyd, si uu u xoojiyo jidhkiisa, isagoo dhanka kale sheegay in aanu ka warqabin sharciyada liiska waxyaabaha la mamnuucay.

Guddiga anshax marinta ee hey’adda FIFA, ayaa ogaaday in weeraryahanku uu ku xad gudbay qodobka lixaad ee xeerarka ka hortagga maadooyinka kordhiya awoodda, sida lagu xusay qodobka 17-aad ee xeerka anshaxa ee FIFA.

Ganaaxa Sabri Ali, oo socon doonta ilaa 11-ka Janaayo 2026-ka, ayaa lagu dabaqi doonaa dhammaan tartamada gudaha iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ku jiraan ciyaaraha saaxiibtinimo.

FIFA ayaa sidoo kale ku xukuntay weeraryahanka El Salvador, Erick Alejandro Rivera, afar sano oo ganaax ah, ka gadaal markii laga helay baaritaan lagu sameeyey maadaama isteyrod kolestobel’ kadib guuldaradii 3-0 ee Canada kasoo gaartay 8-dii Sebtember ee sanadkii hore ee 2021, waxaana la ganaaxay ilaa 5 Oktoobar 2025-ka.

Xulalka dalalka Djibouti iyo El Salvador, ayaa labaduba ku guul daraystay inay u soo baxaan koobka adduunka ee sanadkan, ee ka dhacaya dalka Qatar.