2 mins read

Itoobiya oo laga qaaday xaaladdii deg-degga aheyd.

ADDIS ABABA:- Baarlamanka Dalka Ethiopia ayaa maanta oo Talaada ah u codeeyay in la qaado xaaladdii deg degga aheyd ee Ethiopia la geliyay bishii November ee sanadkii tagay, xilligaas oo dagaalyahanada Jabahadda Tigray ay ku soo siqayeen magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Markii hore, xaladdan deg degga ah ayaa Ethiopia looga dhawaaqay inay dalkaasi saarnaado muddo lix bilood ah oo ka soo billaabmeysay bishii November ee sanadkii tagay, laakiin haatan baarlamanka ayaa goostay inuu goor hore sii qaado.

Mudanayaasha baarlamanka Ethiopia ayaa ku doodaya in xaaladda ammaanka ee dalkaasi ay soo hagaagtay, islamarkaana xaaladda deg degga ah ee la soo rogay ay waxyeeleysay muuqaalkii caalamiga ahaa ee dalkaasi laga heystay.

Qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa ka soo horjeestay go’aanka, iyago ku dooday in Jabahadda Tigrayan People’s Liberation Front, TPLF ay weli dagaal kula jiraan ciidamada dowladda ee gobolka Cafarta, sida la tuhunsanyahayna ay qorsheynayaan inay weeraro cusub ku soo qaadaan Gobolka Amxaarada.

Laakiin mudanayaasha xisbiga dowladda ugu jira baarlamanka ayaa sheegay in hadda ay suurtagal tahay in la xakameeyo halis kasta oo dowladda ka soo wajaheysa mucaaradka, iyadoo loo marayo hanaanka hirgelinta sharciga ee caadiga ah.

Dowladda Ethiopia ayaa lixda bilood ee xaaladda deg degga ah ku dhawaaqday bishii November, markii laga yaabay xowligii ay ku socdeen jabhadda TPLF oo 200km oo kaliya u jirsaday caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

TPLF waxay sheegtay in ciidamadeeda ay markii dambe si iskood ah dib ugu gurteen si ey ugu gogol xaaraan wadahadallo nabadeed, laakiin dowladda Ethiopia ayaa hadalkaas naqdisay oo sheegay in awood ay dib ugu riixeen.

Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ayaa ku eedeeyay dowladda inay xaaladda deg degga ah ee ay dalkaasi ku soo rogtay ay u isticmaashay inay ku soo qabqabato dad shacabka ah oo ku nool Addis Ababab, kuwaa oo badankood ka soo jeeda qowmiyadda Tigray.

Bishii November, Guddiga Xuquuqul Insaanka Ethiopia ayaa sheegay inay ka argagaxeen sida booliska Ethiopia ay u beegsanayeen, wuxuuna guddiga abuuray koox soo baarta arrintaas.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, baarayaasha ayaa lagu armay inay howshooda ku soo dhameeyaan muddo bil ah oo wixii ay baaritaankooda ku soo ogaadeenna ay la wadaagaan guddigan.

Wasaaradda cadaaladda ee Ethiopia ayaa loo sheegay inay wax ka qabato kiisaska kale ee la xiriira gabood fallada lagu geeysanayo iyadoo loo cuskanayo xaaladda deg deg ah.

Xigasho:VOA