1 min read

Raila iyo Ruto oo loollan adag ugu jira madaxtinimada dalka Kenya.

Dib u dhac dhanka saadka ah iyo fashilka ku yimid waraaqaha codeynta ee gobolada dalka qaarkood ayaa hareeyay maalinta doorashada Kenya oo si nabad ah u dhacday.

Goobaha codbixinta ayaa hadda si rasmi ah loo soo xiray balse goobihii la furay xilliga danbe ayaa waqti lagu kordhiyay.

Codeyntan ayaa daba socota olole xooggan oo ay hareeyeen doodo ku saabsan qiimaha maciishadda, shaqo la’aanta iyo musuqmaasuqa ka jira dalka.

Musharaxiinta ugu cad cad ee u taagan xilka Madaxweynaha ayaa kala ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Raila Odinga iyo Madaxweyne ku xigeenka hadda William Ruto.

Kenyaanka ayaa sidoo kale dooranayay baarlamaanka cusub iyo maamullada deegaanka.