1 min read

Doorashada Kenya: In ka badan 6 milyan oo qof oo codeeyay.

Guddiga doorashada ee Kenya ayaa sheegay in tan iyo duhurkii ay codkooda dhibteen 6.5 malyan oo qof.

Waxay ka dhigan tahay in boqolkiiba 30 ay codeeyeen marka loo barbardhigo codbixiyeyaasha diiwaangashan.

Goobaha codbixinta ayaa sii furnaan doonaa tan iyo 5-ta galabnimo.

Wararka ka imaanaya deegaannada Kenya ayaa sheegay in tirada dadka usoo baxay doorashada ay yar yihiin marka loo barbardhigo doorashooyinkii hore.

Guddiga ayaa isku dayayaa inay xalliyaan ciladaha farsamo ee ku yimid qalabka casriga ah ee doorashada.