1 min read

FBI oo baaritaan ku sameysay guriga madaxweynihii hore ee Mareykanka.

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in gurigiisa oo ku yaalla gobolka Florida ay weerareen ciidamo ka tirsan FBI-da Mareykanka, kuwaasoo jebiyay qasnaddiisa sida uu sheegay.

Ma uusan joogin dhismaha Mar-A-Lago wakhtigaas. Trump ayaa weerarka ku tilmaamay weerar ay qaadeen xisbiga Dimuqraaddiga Bidixda oo ka cabsi qaba inuu u tartamo madaxtinimada dalkaas sanadka 2024-ka.

Qareenka magaalada Palm Beach ee gobolka Florida, Dave Aronberg, ayaa BBC u sheegay in si loo helo warqadda baaritaanka FBI-da ay u baahnaan lahayd in ay tusiyaan in uu jiro cadeymo muujinaya dambi ka dhacay guriga Mr Trump.