3 mins read

Siyaarada Waliyulaahi Sh. Cabdi Celi oo ka socota Degmada Warshiikh.

Sannad walba marka la gaaro bisha koowad (1) ee Hijriyada Islaamka ee loo yaqaano Muxaram ama Zeko, idil ahaan waxaa daafyaha caalamka si baahsan uga dhaca siyaarada caalimkii weynaa ee ummadda Soomaaliyeed SH. C/RAXMAAN BIN SH. CUMAR AL-CELIYI, AL-QAADIRIYI, AL-WARSHIIKHI.

Ka hor inta aan la gaarin maalmaha siyaaradaasi waxaa ka horeeya diyaar-garow, wada tashi iyo kala war qaadasho ku salaysan sida ugu haboon ee loo sameyn karo siyaaradaasi, soddonka (30) cisho ee bisha Muxaram waxay siyaarada Shiikha si xiriir ah uga kala dhacdaa guud ahaan meel walba oo dunida ay ka joogto shucuubta Soomaaliyeed.
.
Inkastoo siyaaradu ay tahay mid isku mid ah ayaa haddana tan ugu culus waxay ka dhacdaa xarunta faca weyn ee ku caan baxday fidinta Diinta iyo barashada culuumta shareecadda Islaamka ee loo yaqaano WARSHIIKH, halkaasi oo ah goobta uu ku aasan yahay Nuur badnihii Sh. C/raxmaan Celi.

Kumanaan muslimiin ah ayaa 12-kii bilood waqtigaan oo kale ku kulma siyaaradaasi, looma kala hara ka qeyb-galkeeda, qeyb walba oo bulshada ka mid ah kama maqnaato halkaasi, si siman ayaa looga wada qeyb-qaataa siyaaradaasi.

Taariikh-ahaan WALIYULAAHI SHIIKH CABDI RAXMAAN SH. CUMAR SH. MAXAMED SH.DAA’UUD oo lagu naaneyso SH.CABDI CELI waxa uu abaarihii 1895-kii ku dhashay deegaanka QORILOOW ee ka tirsan Degmada WARSHIIKH ee G/SH/DHEXE, qoys ahaan wuxuu ka soo jeedaa dhal GOBEED oo CULUMO ah.

Kuraynimadiisii (yaraantiisii) ayuu Shiikhu ku najaxay inuu dusha ka xafido Quraanka kariimka ah, isla markaana uu barto kutubta cilmiga diiniga ah, isaga oo u tagay Galbeedka iyo Koonfurta Soomaaliya raacashada iyo daalacashada Diinta Islaamka illaa uu ka noqday caalim weyn oo la xushmeeyo.

Ardayda ka aflaxday intii uu noolaa Shiikha waa sida xiddigaha oo kale, waxaana wax ka bartay oo ka diin qaaday Boqolaal xer ah oo markii dambe noqday culumo waa-weyn, kutubadii uu Shiikhu akhrin jiray oo ahaa badweyn ayaa haddana waxaa ka xusi karnaa TAFSIIRKA, RIYAALU SALAAXIINKA, AXKAAMTA, FIQIGA, NAXWAHA, SARFIGA IWM.

Xarumaha iyo masaajidyada uu kutubta ka gali jirey waxaa ka mid ahaa masjidka Jaamaccda Shingaani, Mowlicii Degmada Boondheere, xaruntii Degmada Cadale, Markaskii Degmada Baraawe oo uu tagi jirey qeyb ka mid ah sannadka iyo fariisinkiisii Degmada Warshiikh.

Alle ha u naxariistee Shiikhu, wuxuu dajiyay kutubo aan yareyn, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen NAXWAHA, SARFIGA & QASIIDFOOYIN NABI AMMAAN AH, Jaa’isada Shiikhnimada waxa siiyay reer Sh. Aweys Al-qaadiriyi.

Geeridu waa xaq, waana halka lagu dambeyn doono, ma dhinte waa ilaah ee Alle ha u naxariistee Sheikh Cabdi Celi waxa uu ifka ka wareegay 1981-kii, waxaana lagu aasay saldhigiisIi Degmada Warshiikh, intii uu nolaaa Shiikhu wuxuu u go’ay fidinta diinta islaamka, darajo ahaana wuxuu gaaray inuu noqdo MUFTI loo soo doonto qeybaha kala duwan ee diinta iyo ka jawaabida su’aalaha diiniga ah.

Dhaqan ahaan wuxuu ahaa deeqsi aan la gaari karin oo hoygiisa aaney waxba ku baryi jirin, sifo ahaan wuxuu ahaa Astaanta Degmada Warshiikh, geeridii Sheikha kadib, waxaa khaliifnimadii la wareegay SH. MUXUMED SH. CABDI RAXMAAN oo isna geeriyooday, haatana waxaa hawshii Shiikhnimada haya Allaha xafidee SHIIKH QAASIM SH. CABDI RAXMAAN.

Kumanaan dad ah oo ka kala tagey magaalooyinka Soomaaliya ayaa iminka ku urursan Degmada Warshiikh oo 65-K.M u jirta magaalada Muqdisho, ujeedka muslimiintaasi waa sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen Siyaarada Shiikhooda, iyaga oo Alle uga baryaya dambi dhaaf, isla markaana ugu duceynaya inuu eebbe-weyne Jannada ka waraabiyo.

Maalmo kadib ayay bulshooyinkaasi iyaga oo faraxsan waxa ay dib ugu soo laabtaan deegaannadii ay ka baqooleen, iyaga oo raali ku ah socdaalkii ay ugu amba-baxeen siyaarada Shiikhooda SH. CABDI CELI ee Degmada Warshiikh.