1 min read

Wararkii ugu dambeeyay: Qarax lagu dilay Xildhibaan oo ka dhacay deg. Matabaan.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino maanta ka dhacay deegaanka Bacda oo hoos yimaada degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, kaasi oo lagu magacaabo Mursal Xeefow, waxaana markaasi la socdeen mas’uul ka tirsanaa maamulka degmada Matabaan.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa ku geeriyooday Agaasimihii Maaliyadda degamada Matabaan Cabdullhaai Cumar Xaashi (Indha Biriq) iyo ruux kale oo la socday.