1 min read

Madxweyne Guudlaawe oo wada kulamadii uu la yeelanayay Qeybaha kala duwan Bulshada reer Baladweyne.

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane ayaa maanta la kulmay qaar kamid ah dhalinyarada galbeedka Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha iyo dhalinyarada ayaa iska waraystay xaaladaha guud ee Gobolka gaar ahaan Magaalada Beledweyne, iyagoo Madaxweynaha la wadaagay dhibaatooyinka ka dhalinyaro ahaan haysata.

Madaxweynaha uga mahadceliyay dhalinyarada reer beledweyne booqashada ay ugu yimaadeen waxa uuna u cadeeyay in door muuqda ay ku yeelan doonaan Dowladda Hirshabeelle, hay’addaha amnigana ay kala shaqeeyaan Amaanka Magaalada.

Dhanka kale Cali Guud ayaa wali wadda kulamada kala duwan ee uu la yeelanaayo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Beledweyne.