1 min read

Xasuustii Wariye Cali Muuse Cabdi iyo qaabkii uu wariyaal badan u soo gacan Qabtay.

Waxaa saakay dalka Talyaaniga ku geeriyooday Allaha u naxriistee Cali Muuse Cabdi oo ahaa saxafi ka soo shaqeeyay wakaalado badan iyo dhowr warbaahin oo kale oo ay BBC-du ka mid tahay.

Cali Muuse waxaa uu in muddo ah ku xanuunsanaa dalkaasi Talyaaniga oo uu degganaa.

Taariikhdiisa

Cali Muuse ayaa la soo shaqeeyay warbaahinno badan oo ay ka mid tahay BBC-da. Waxaa kale oo uu muddo badan la shaqeynayay wakaaladda wararka ee AFP, wakaaladda wararka dalka Talyaaniga ee ANSA.

Xasan Bariise, weriyihii hore ee BBC-da oo ay in badan soo wada shaqeeyeen Cali ayaa sheegay in uu ahaa qof muuqda oo kaalin mug leh ku lahaa warbaahinta Soomaalida.

Cali Muuse nin howlo badan buu ahaa, nin la yaab leh buu ahaa, nin howlkar ah oo aan daalin ayuu ahaa, oo aan xitaa wax balwad ah lahayn. Wuxuu ahaa dadka shaqada keliya u soo bannaan baxay oo aad ayuu u shaqo badnaa,” ayuu yiri Xasan Bariise.

Xasan Bariise ayaa sheegay in Cali Muuse uu ahaa qof aad dadka u xiriiriya isla markaana dad yaqaan ah.

“Weligey nin la mid ah ma arag, wuxuu ahaa qof yaqaanna dadka Soomaalida ah, haddii uusan qofka aqoon wuxuu yaqaannay awowgiis ama aabbihiisa. Qof walba oo aad joogto, hadduu doono tuulo ha joogee wuu kuu sheegayay,” ayuu intaas ku daray.

Muddooyinkii ugu dambeeyay marxuumka wuxuu degganaa dalka Talyaaniga, isagoo howlgab ka noqday warbaahinta.

Xasan Bariise ayaa sheegay in xanuun dhanka kelyaha ah oo marxuumka la soo dersay muddo kahor uu sababsaday.

Wuxuu sheegay in Cali uu ahaa qof sheeko badan oo jeclaa inuu dadka ka qosliyo.

“Wuxuu ahaa nin deeqsi ah oo jecel in dadka uu wax la qabto, wuxuu ahaa nin naxariis badan oo waxtar leh.” Ayuu yiri Xasan Bariise.