1 min read

Mareykanka oo ka noqday digniintii uu ka soo saaray doorashada Kenya.

Safaaradda Maraykanka ee Kenya ayaa ka laabatay digniin amni oo ay maanta u jeedisay shacabkeeda ku sugan magaalada Kisumu ee Galbeedka dalka Kenya, iyadoo sheegtay in si xun loo adeegsaday digniintaasi.

Xili ay doorashada guud ee waddanka ay ka harsantahay muddo shan maalmood ah, ayay safaaraddu sheegtay in dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhasha doorashada ay ka dhici karaan halkaasi.

Qoraal kale oo ay safaaraddu soo saartay, ayaa waxay ku sheegtay in Mareykanku u digo muwaadiniintiisa oo ku sugan guud ahaan caalamka, kahor intaysan doorasho ka dicin dalalka ay ku suganyihiin.

Safaaradda ayaa intaasi raacisay, in Kisumu ay ku suganyihiin tiro badan oo ah shaqaalaha saafaradda Mareykanka ah, isla markaana muwaadiniin badan oo u dhashay dalkaasi ay marar badan u safraan magaaladaasi, sidaas darteedna ay mas’uuliyad ka saarantahay badqabkooda.

Ragga ugu cad cad doorashada madaxweynaha ee Kenya waxaa kamida, Ra’iisul Waasirihii hore Raila Odinga iyo Madaxweyne kuy xigeenka William Ruto.