1 min read

Ciidamada Dowladda oo soo bandhigtay Hub ay ka qabsadeen Al-Shabaab.

Taliska Ciidanka Xoogga gaar ahaan kuwa ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa maanta soo bandhigay hub ay sheegeen in ay ka qabsadeen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa hubkaan ku soo bandhigay degmada Matabaan, kaasi oo ay sheegeen in ay ku soo qabsadeen dagaalkii shalay ay kula galeen Al-shabaab deegaanka Bukure ee hoos yimaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Sawirro iyo muuqaalo ay baahiyeen Ciidanka ayaa muujinaya hubkanka oo ay kamid yihiin kuwa culculus.

Deegaanka Bukure oo hore ugu sugnayeen Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa waxaa hadda gacanta ku haya Ciidanka Dowladda oo shalay weerar ku qaaday.