1 min read

Baarlamaanka Hirshabelle oo meel mariyay Golaha Wasiirada cusub.

Waxaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe Xildhibaannada Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim luqmaan Xaaji Maxamed, waxaa hortegay Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedkaas, si Golaha ay u ansixiyaan, kuwaas oo uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

Intaa kadib ajendaha kulanka oo laguuda galay ayeyXildhibaannada Baarlamanka Hir-shabeelle cod gacan taag ah ku ansixiyeen Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban 81 xubnood.

Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle, Dr Cabdixakiim luqmaan Xaaji Maxamed, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhamaan Xildhibaannada ay ogol ugu codeeyeen Golaha Wasiirada, sidaasina uu shirka ku xiran yahay.

Bishaan lagu jiro ee Agoosto ayey ahayd markii uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, uu magacaabay Golaha Wasiiradiisa, kuwaas oo ay tiradoodu tahay 81 xubnood, oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir Kuxigeen iyo 27 Wasiiru Dowle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe in muddo ah waxaa la sheegay inuu culeys ka heysta dhanka qancinta beelaha, kuwaas oo tabasho ka qabay sida loo qeybsanayo Golaha Wasiirada, isagoo caqabada ugu weyn kala kulmay kuwa dega Gobolka Hiiraan.