2 mins read

Nin Soomaali ah oo uu Mareykanku si wayn u raadinayay oo Kenya lagu qabtay.

Laanta Dambi-baarista dalka Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DCI ayaa shaacisay in howlgal ay fuliyeen cutub ka tirsan ciidanka la dagaallanka dambiyada halista ah ay soo xireen Cabdi Xuseen Axmed oo sidoo kale loo yaqaanno “Abuu Khaadi”, oo ah eedeysane ay si wayn u raadinaysay dowladda Mareykanka.

Xarigga Cabdi Xuseen Axmed ayaa yimid ku dhawaad labo bilood kaddib markii gacanta lagu dhigay nin kale ay isla shaqysanayeen oo la yiraahdo Badru Cabdul Casiis Saalax, kaas oo la qabtay 31-kii bishii May ee sanadkan 2022-ka.

Xilligaas waxa ay ahayd hal isbuuc kaddib markii Mareykanku uu ku dhawaaqay in lacag malaayiin doolar ah lagu abaalmarinayo ciddii soo qabata eedeysaneyaashan.

Maxaa loo haystaa?

Ninkan ayaa loo haystaa dambiyo ku saabsan kala gudbinta daroogada iyo xayawaan duurjoog ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Laanta Dambi-baarista Kenya.

Mareykanka ayaa Cabdi Xuseen madixiisa dul dhigay abaal-marin dhan hal milyan oo doolar oo loo ballanqaaday in la siiyo qofkii keena macluumaad lagu soo qaban karo. 

Dambiga looga soo oogay Mareykanka waxaa kale oo ku wehlinayay eedeysaneyaal kale oo lagu kala magacaabo Moazu Kromah, oo sidoo kale loo yaqaanno “Ayoub,”, “Ayuba,” ama “Kampala Man;” Amara Cherif, oo loo yaqaanno “Bamba Issiaka;” iyo Mansur Maxamed Surur.

Dhammaantood waxaa lagu tuhunsan yahay inay ka qayb qaateen qorsheynta iyo fulinta dambiyo ku saabsan dhoofinta geesaha Wiyisha iyo foolasha Maroodiga, oo labadoodaba ah xayawaan la ilaaliyo jiritaankooda, kuwaasoo ay kusii iibsadeen lacag ka badan toddobo milyan oo doollar.

Cabdi Xuseen iyo Badru Abdul

In ka badan 35 wiyil iyo 100 marooti ayaa lagu dilay ugaarsigaas sharci darrada ah ee ay ku eedsan yihiin ragga loo haysto dacwadda.

Laga soo billaabo bishii December ee sanadkii 2012-kii ilaa bishii May ee 2019-kii, Cabdi iyo nimanka la shaqeynayay waxa ay dhoofiyeen ama iibiyeen ugu yaraan 190 kiilo oo geesaha Wiyisha ah iyo ugu yaraan 10 tan oo foolasha Maroodiga ah, oo ay ka qaadeen dalal ka tirsan Afrika, sida Kenya, Uganda, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Guinea, Mozambique, Senegal iyo Tanzania.

Qabashada eedeysanihii hore

Badru Cabdul Casiis Salax ayaa laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xili uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan booliska.

Markii la qabtay waxay ahayd afar maalmood uun ka dib markii Agaasinka Danbi barista ee Kenya iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta.

Booliska ayaa markaas sheegay inay ku raad joogeen Cabdi Xuseen Axmed oo ay wada socdeen Saalax.

Qaabkii loo soo qabtay faahfaahin lagama bixin, mana cadda in ay jirto cid qaadatay abaalmarintii uu Mareykanku ballanqaaday.

Balse safaaradda Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii May xaqiijisay qabashada ninka baxsadka ku jiray, waxayna shacabka ku ammaantay inay gacan ka geysteen soo qabashadiisa.