1 min read

Talyaha Sirdoonka Itoobiya iyo wefdi sare oo gaaray Somaliland.

Waxaa magaalada Hargeysa maanta gaaray Wefdi sare oo ka socda dawladda Itoobiya, ku waa oo kulamo la qaatay Saraakiisha iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Somaliland.

Wefdigaan ayaa waxaa horkacaya Madaxa Sirdoonka Ciidamada Heer Faderaal ee dalka Itoobiya Jen, Berhanu Kebede, iyada oo ay qeyb ka yihiin sarakiil kale oo sare iyo Qunsulka dawlada Itoobiya u fadhiya Somaliland.

Mas’uuliyiinta ayaa Somaliland kala hadlaya Arrimaha Amniga gobalka Geeska Afrika iyo Iskaashiga weerarada ka dhanka ah kooxaha Argagaxisida, iyaga oo kulan la leh Talyaha Ciidanka, Gaas Nuux Ismaacil Taani.