1 min read

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa goordhow ku dhawaaqay golihiisa Wasiirada oo ka kooban 25 Wasiir, kuxigeenadooda iyo Wasiiru dowlayaal.

Xubnaha Wasiirada la Magacaabay ayaa waxaa ay isugu jiraan, Wasiiro hore, kuwo cusub iyo kuwo saaxiibo dhow la ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ku dhowaaqay golihiisa wasiirada cusub ee muddada la sugayey, waxaana ka muuqdo isbeddelo cusub.

Golaha cusub oo uu ugu magac daray Dan Qaran wuxuu ka kooban yahay 25 Wasaaradood, halkii xukuumaddii ka horreysay ay ahayd 26.

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in Mukhtar Robow oo hore u ahaa hoggamiye ku xigeenka Shabaab muddo afar sano ahna u xirnaa dowladda in loo magacaabay wsaaradda diinta iyo awqaafta.

Wasaaradaha qaar ayaa la baabi’yay, mid kalana waa la abuuray.

Waxaa Meesha laga saaray wasaaraddii Gargaarka iyo Musiibooyinka, malaha maadama madaxweyne Xasan Sheekh uu horey u magacaabay, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha iyo gargaarka bani’aadamino.

Sidoo kale waxaa meesha laga saaray wasaaradda dastuurka oo horay gooni ugu taagneyd, waxaana hadda la raaciyey wasaaradda cadaaladda oo noqoneysa wasaaradda Cadaaladda iyo dastuurka, waxaana loo magacaabay Xasan Macallin.