1 min read

Hay’adda Save the Children oo ka Walaac ka muujisay Dhalinyaro ay xukuntay Maxkamadda CQS ee Puntland.

Hay’adda Save The Children ayaa qoraal ka soo saartay 6 ruux oo ay ku sheegtay in ay yihiin “Carruur aan garaadsan” oo xukunno toogasho ah & xabsi waqti dheer ah ku ridday Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybta DG Puntland 31kii Janaayo 2022.

Save The Children ayaa walaac ka muujisay xukunka ku dhacay 6-daan ruux oo ay da’doodu ku sheegtay 4 kamid ah in ay u dhaxeyso 16-18 sano kuwaas oo la xiray iyaga oo da’aan ka yar inta ay maanta jiraan October 2020 oo toogasho lagu xukumay iyo labo kale oo lagu riday 20 & 30 sano oo xabsi ah.

Madaxa Save The Children ee Soomaaliya Maxamuud Maxamed Xasan ayaa Dowladda Federaalka iyo Madaxda DG Puntland ka dalbaday in la farageliyo xukunkaan maadaama uu kahor imaanayo axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda carruurta oo Soomaaliya ay saxiixday 2015-kii.

“Si dhab ah ayaan uga walaacsanahay xukunnada dilka iyo xabsiga waqtiga dheer, DG Puntland waa waxa aan xusuusinayaa in ay u istaagto faragelinta xukunkaan oo si cad uga hor imaanaya Axdiga Qaramada Midoobay ee 2015kii Sooomaaliya ay saxiixday” ayuu yiri Maxamuud.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee qaybta DG Puntland ayaa sheegtay in 6 ruux ay kamid yihiin Al-Shabaab, 4 kamid ah waxaa lagu xukumay dil toogasho ah kuwaas oo kala ah: Farxaan Faysal Salaad, Cabdullaahi Faysal Xuseen, Barkhad Cawil Xiris iyo Liibaan Aadan Muuse.

Halka Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah iyo Cabdiraxmaan Cawil Maxamed xukunkiisa uu noqday 20 sano sida fadhiga Maxkamadda uu ka sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda CQS ee DG Puntland.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug qaybta DG Puntland Cabdiladiif Muuse Sanyare iyo mas’uuliyiin kale ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda, Cabdiladiif waxa uu ku hanjabay in la ballaarinayo howlgallada ka socda Gobolkaas.