1 min read

DEG DEG:- Muqtaar Rooboow oo xil Wasiir looga Magacaabay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa goordhow ku dhawaaqay golihiisa Wasiirada oo ka kooban 25 Wasiir, kuxigeenadooda iyo Wasiiru dowlayaal.

Munaasabad ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka inta aan lagu dhawaaqin Golaha Wasiirada uu Ra’iisul Wasaaraha sheegay in dadka Soomaliyed ay kujiraan xaalad adag sida Abaar iyo Amni darro, loona baahan yahay in la helo xukuumadda dalka iyo dadka Soomaliyeed samatabixin karto.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in wadatashiyo dheer oo uu la yeeshay, Madaxweynaha, uddoomiyaha Golaha Shacabka, guddoonka labada Aqal & Xildhibaannada labada Aqal uu Magacaabay Wasiiro isugu jira rag iyo dumar, isaga oo Golaha Shacabka ugu baaqay inay ansixiyaan Xukuumadda.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa kujira Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo tan iyo Sanadkii 2018-kii u xirnaa dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo loo magacaabay Wasiirka Awqaafta, Arrimaha Diinta

Goordhow la socda Magacyada Dhammaan Wasiirada, Wasiir kuxigeennada iyo Wasiiru dowlayaasha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.