2 mins read

Magacyada la filan karo inay ka soo muuqdaan Golaha wasiirrada cusub.

Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu goordhow oo maanta ah ku dhawaaqo golihiisa cusub ee wasiirrada.

U

Warar hordhac ah oo ay BBC-da ka heshay ilo ku dhowdhow dowladda ayaa nala wadaagay magacyada qaar ka tirsan mas’uuliyiinta laga yaabo inay ka soo muuqdaan liiska.

Inksatoo uusan rasmi ahayn oo magacyada aan dib idinkala soo wadaagi doonno, haddana dadka la hadal-hayo waxaa ku jira: Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo xubin ka ah Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Wuxuu xubin ka yahay xisbiga Nabadda iyo Horumarka, muddo dheer ayuuna saaxiib la yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu goordhow oo maanta ah ku dhawaaqo golihiisa cusub ee wasiirrada.

Warar hordhac ah oo ay BBC-da ka heshay ilo ku dhowdhow dowladda ayaa nala wadaagay magacyada qaar ka tirsan mas’uuliyiinta laga yaabo inay ka soo muuqdaan liiska.

Inksatoo uusan rasmi ahayn oo magacyada aan dib idinkala soo wadaagi doonno, haddana dadka la hadal-hayo waxaa ku jira: Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo xubin ka ah Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Wuxuu xubin ka yahay xisbiga Nabadda iyo Horumarka, muddo dheer ayuuna saaxiib la yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magacyada sida la-yaabka leh u soo galay hadal-haynta waxaa ka mid ah Mukhtaar Roobow Cali oo sanadihii la soo dhaafay ku jira xabsi guri, kaddib markii ay dowladdii hore ka soo qabatay magaalada Baydhabo xilli uu ku gada jiray u tartamidda kursiga madaxtinnimada Koonfur-galbeed.

Waxaa sidoo kale ku jira Xasan Macallin Maxamuud oo ah xildhibaan hore oo baarlamaanka federaalka ah.

Magacyada ay ilahaasi xuseen waxaa ka mid ah Daa’uud Aweys Jaamac oo ahaa la-taliye sare iyo afhayeenkii hore ee madaxweynaha Soomaaliya intii u dhaxaysay sanadihii 2014 ilaa 2016, sidoo kalena lixdii sano ee la soo dhaafay la-taliye sare ka ahaa Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Waxaa kaloo ku jira Axmed Macallin Fiqi, taliyihii hore ee hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, danjire hore, xildhibaan hore oo federaalka ah, wasiirkii hore ee arrimaha amniga Galmudug, horayna ugu soo tartamay madaxweynaha Galmudug doorashadii ugu horreysay ee madaxtinnimada Galmudug.

Dr Mohamed Sheekh Doodishe oo la-taliye u soo noqday madaxweyne Xasan Sheekh muddo xileedkiisii hore, sidoo kalena ah aqoonyahan iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wasiirkii hore ee amniga ee xukuumaddii federaalka ahayd, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee hadda jira.

Xusuusnow liiska oo sugan waxaan idinla wadaagi doonnaa marka ay soo baxdo shaacinta rasmiga ah ee raysul wasaaraha.