1 min read

Ku dhawaaqista Golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya.

Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inuu maanta ku dhawaaqo golihiisa wasiirrada.

Warar ay BBC-da heshay ayaa sheegaya in xafiiska Raysul wasaaraha ay hadda ku sugan yihiin xubnaha loo magacaabayo xilalka wasiirrada ee cusub. Waxaa kale oo goobjoog ah weriyeyaal ka socda gudaha iyo dibadda.

Wararku waxay sheegayaan in isbeddel yar lagu sameyn doono wasaaradaha qaar. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa la filayaa in aysan ka soo dhex muuqan doonin liiska cusub. Waxaa la soo kordhin doonaa wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyadoo wasaaradda Dastuurkana lagu biirin doono wasaaradda Caddaalladda iyo Garsoorka.

Wejiyo cusub ayaa la filayaa inay ka soo muuqan doonaan golaha wasiirrada.

Raysul wasaare Xamse oo xilka loo magacaabay 15-kii Juun ayuu baarlamaanka federaalka ah 25-kii Luulyo muddo 10 cisho ah oo dheeraad ah u siiyay inuu ku soo dhiso xukuumadda cusub.

Halkan kala soco wararka ku soo kordha arrintan iyo magacyada wasiirrada ee rasmiga ah.