2 mins read

Antonio Guterres: “Hal tallaabo ayaa loo jiraa in dalalku ay isu adeegsadaan Nukliyeer..”

QARAMADA MIDOOBAY – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka digay in caalamku uu halis ugu jiro in la isu adeegsado hubka nukliyeerka, taas oo ay sababi karto, dal si khaldan u xisaabtama ama tallaabo ka dhalata isfaham la’aan dhex marta dalalka ku hubaysan hubka Nukliyeerta, taas oo halis gelin karta jiritaanka aadamaha, isaga oo tusaalo u soo qaatan xiisadda Nukliyeerka ee ka taagan qaaradda Aasiya, Bariga Dhexe iyo xataa dalka Ukraine.

Xoghayaha Guud ayaa digiin culus ka jeediyey furitaanka shirka heerkiisu sarreeyo ee lagaga hadlayo dib u eegis lagu sameeyo heshiiska taariikhiga ah ee xakamaynta faafista hubka Nukliyeerka ee loo yaqaano Nuclear Nonproliferation Treaty, kaas oo haatan 50 sano jirsaday.

Dalalka Maraykanka, Japan, Jarmalka, madaxa hay’adda xakamaynta faafinta hubka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay iyo madax kala duwan oo shirkaas ka qaybgashay ayaa sidoo kale ku dheeraaday inay iftiimiyaan halista sii kordhaysa ee ka imanaysa faafista hubka Nukliyeerka ee caalamka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay isku diyaarinayso in ay samayso tijaabadeedii toddobaad ee Nukliyeerka, halka dalka Iran “ aanu doonayn ama aanay awoodin” in ay aqbalaan heshiiskii nukliyeerka ee dalkaas lala gaadhay sannadkii 2015 kaas oo looga gol lahaa in xal lagaga gaadho barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Blinken ayaa sidoo kale soo hadal qaaday, kor u kaca halista isticmaalka hubka nukliyeerka ee ka dhalatay duullaankii dalka Ruushku uu ku qaaday dalka Ukriane, isaga oo soo xigtay digniintii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu jeediyey ka dib duulaankii 24-kii Febraayo ee ahaa, in isku day kasta oo lagu farageliyo danaha ruushka inay horseedi doonto “natiijooyin aan weligeed la arkin,” isagoo [Vladimir Putin] uu ku nuuxnuuxsaday in waddankiisu yahay “mid ka mid ah quwadaha ugu awoodda badan ee haysta hubka nukliyeerka.”

Raiisal wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa sheegay inay sii korodhay kala qaybsanaanta wadamada waaweyn ee caalamku tan iyo wixii ka dambeeyey shirkii ugu dambeeyay ee dib u eegista hirgelinta heshiiska xakamaynta faafista hubka nukliyeerka ee sannadkii 2015, kaas oo aan wax natiijo ah laga gaadhin.

Ra’iisal wasaaraha Japan ayaa tusaale u soo qaatay hanjabaadda Ruushka ee ah inuu hubka nukliyeerka u adeegsanayo dagaalka Ukraine, tallaabadaas oo walaac xooggan ku abuurtay dalalka caalamka, taasoo muujisay sida ay suurogal u tahay in dalalka waaweyni inay isu isticmaali karaan hubkaas.

Xigasho: wakaaladda wararka ee Associated Press