4 mins read

Biden “Aniga ayaa bixiyay amarka lagu dilay Ayman al-Zawahiri”.

Wararka ka imanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in duqayn xagga cirka ah lagu dilay hoggaamiyihii ururka al-Qaacida Ayman al-Zawahiri, kaas oo xilka kala wareegay hoggaamiyihii hore ee Osama Bin Laden, ka dib markii ay Maraykanku hawlgal ku dileen, bishii May ee sannadkii 2011.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in hoggaamiyihii al-Qaacida Ayman al-Zawahiri lagu dilay duqayn ay ka fuliyeen caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku, hawlgalkaas oo uu ku tilmaamay mid caddaaladda loogu hiilinayey, isagoo rajo ka muujiyay inay ka mid noqoto tallaabooyinka lagu dhayayo boogaha dhibbanayaashii ay eheladoodu ku dhinteen weerarkii 11-kii September ee Maraykanka lagu qaaday sannadkii 2001.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey telefiishanka, fiidnimadii, wakhtiga dalka Maraykanka, ayaa sheegay in sirdoonka Maraykanku inay al-Zawahiri ku raadjoogeen, iyaga oo dusha kala socday guri uu ku dhuumaalaysanayey oo ku yaallay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan, halkaas oo ay kula sugnaayeen qoyskiisu.

Madaxweyne Biden ayaa ogolaaday in hawlgalkan la fuliyo “Waxaan bixiyey amarka ugu dambeeya ee ah in tallaabo laga qaado” ayuu yidhi madaxweyne Biden.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hawlgalka lagu dilay hoggaamiyaha al-Qaacida inuu noqonayo tallaabadii ugu cuslayd ee ururkaas laga qaado, tan iyo wixii ka dambeeyey dilkii hogaamiyihii hore ee ururka Al-Qaacida, Osama bin Laden, kaas oo ay ciidamada Maraykanku dileen sannadkii 2011.

Waxaa la fuliyey caddaaladdii, haatanna hoggaamiyaha ururkan argagixisadu ma noola” ayuu yidhi madaxweyne Biden.

Masuul sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in joogitaanka al-Zawahiri ee caasimadda Kabul inay xad-gudub cad ku tahay heshiiskii ay magaalada Doxa ku gaadheen Maraykanka iyo ururka Taliban, kaas oo jidka u xaadhay in ciidamada Maraykanku ay ka soo baxaan dalka Afghanistan.

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa ku soo waramaysa in weerarka lagu dilay hoggaamiyaha al-Qaacida inay fuliyeen hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA.

Al-Zawahiri ayaa ka mid ahaa hoggaamiyayaasha ugu saamaynta badan ururka al-Qaacida isaga oo soo ahaa, guddoomiye ku xigeenkii Osama Bin Laden tan iyo sannadkii 1998, ka hor intii aanu xilka guddoomiyaha qaban sannadkii 2011, markii la dilay Osama bin Laden.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in hoggaamiyaha al-Qaacida lagu dilay guri uu lahaa kaaliye sare oo ururka Taliban ka tirsan oo lagu magcaabo Sirajuddin Haqqani.

Saraakiisha sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in qorshaynta hawlgalkan ay soo bilaabatay lix bilood ka hor, balse waxay sii xoogaysatay labadii bilood ee u dambeeyay.

Afhayeenka ururka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in weerar dhanka cirka ah lagu qaaday guri ku yaala deegaanka Sherpur ee magaaladaas.

SIDEE LAGU OGAADAY AL-ZAWAHIRI, MEESHA UU KU SUGAN YAHAY.

Horraantii sannadkan ayaa saraakiisha Maraykanku waxay ogaadeen in xaaska hoggaamiyaha, gabadhiisa iyo caruurteedu inay u guureen guri qarsoon oo ku yaalla caasimadda Kabul, sida uu xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanku.

saraakiisha ayaa ugu dambayn ogaaday halka uu ku sugan yahay Ayman al-Zawahiri, taas oo ah guri qarsoon oo ku yaalla isla caasimadda Kabul.

Horraantii bishii April ee sannadkan ku xigeenka la taliyaha amniga ee Aqalka Cad Jon Finer iyo la taliyaha amniga gudaha ee madaxweyne Biden Elizabeth Sherwood-Randall ayaa lala socodsiiyey xog sirdoon oo la xidhiidha dhaqdhaqaaqa al-Zawahiri. waxyar kadib, waxaa warbixinta sirdoonka lala wadaagay la taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan.

La taliyaha Amniga Qaranka ayaa markaas ka dib xogta sirdoon la wadaagay Madaxweyne Biden, xilli ay saraakiisha sirdoonku ay diyaariyeen warbixino ka imanaya ilo kala duwan iyo qorshe lagu hawlgeli karo.

Masuuliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in ururka Taliban ay warqabeen joogitaanka al-Zawahiri ee Kabul, isaga oo intaas sii raaciyey, in taasi ay keentay inaan wax digniin ah oo hordhac lala wadaagin ururka Taliban ka hor intii aan hawlgalka la fulin.

Dawladda Maraykanka gudeheeda, waxaa hawlgalkan lala socodsiiyey oo keliya tiro aad u kooban oo ay ku jiraan saraakiisha sarsare ee qaabilsan dhinaca ammaanka, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Bishii July 1-deedii ayaa madaxweyne Biden si rasmi ah loogu sharaxay qorshaha hawlgalka, isaga oo ku sugan qolka xaaladaha degdegga ah ee Aqalka Cad, waxaana madaxweynaha lala socodsiiyey guriga uu ku dhuumaalaysanayo al-Zawahiri, halkaas ayuuna ku bixiyey amarka ugu dambeeya ee lagu fuliyey hawlgalka, maalinimadii Khamiista. al-Zawahiri ayaa xilliga weerarka lagu qaaday wuxuu taagnaa barxadda (Baalcony-ga) guriga uu ku dhuumanayey.

Zawahiri oo ah dhaqtar u dhashay dalka Masar, isla markaana noqday mid ka mid ah shakhsiyaadka ku eedaysan falalka argagixiso ee loogu doonista badan yahay caalamka, ayaa la sheegay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii lagu qaaday Mareykanka 11-kii September 2001-dii oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Associated Press.