1 min read

Mid ka mid ah wasiiradii la magacaabay ee Hirshabeelle oo is casilay.

1

Iyadoo xalay magaalada jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle uu kaga dhawaaqay madaxweynaha maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen Gole Wasiirro cusub oo ka kooban 81 wasiir, ayaa waxa soo baxday in mid kamid ah wasiirrada uu magaacabay uu iska diiday kamid ahaanshiyaha golaha cusub.

Wasiirka is casilay oo la yiraahdo Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame ayaa BBC u sheegay

in gobolka Hiiraan ee uu ka soo jeedo ay ka maqan yihiin wax badan.

Golaha wasiirrada cusub oo ay madaxweyne Guudlaawe ku qaadatay muddo ku dhaw labo sanno soo magacaabistooda ayaa ku dhawaad 70 kamid ah waxay yihiin xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Hirshabeelle