1 min read

Dumar ku baaqay in la dhufaano ragga kufsiga geysta.

Mudaharaadayaal ka soo horjeedo xadgudubyada jinsiga la xirira ee ka dhaca dalka Koonfur Afrika ayaa ku baaqay in la soo afjaro

xadgudubyada aan kala joogsiga laheen ee haweenka loo geysto. Arrintan oo daba socotay kufsi galbeedka Johanesburg looga geystay siddeed haween ah oo filim duubayey.

Mid ka mid siddeedda gabdhood ee kufsiga loo geystay oo wargeys maxalli ah la hadashay waxay sheegtay koox macdinta si sharci darra ah ula soo baxdo oo wajiga xiran iney dhalinyaro goobtaa ku sugneyd ay ku amreen iney kufsiga noo geystaan.

Shaqsiyaad falka kufsiga looga shakiyey ayaa la soo taagay maxkamad iyaga oo lagu soo eedeeyey Kufsi iyo Macdinta oo ay si sharci darra ah ula soo baxaan.

Dhacdadan oo noqotay mid argagax weyn ka abuurtay dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhashay baaqyo cusub oo dolwladda loo soo jeedinayo oo ah ciddi faldambiyeed kufsi inuu galay ay ku caddaato in la dhufaano.