1 min read

Deg Deg: Ugu yaraan 20 qof oo ku dhimatay daadad ku dhufatay dalka Uganda.

Tirada dadka la ogyahay iney ku dhinteen daadad iyo dhul go’ ka dhacay bariga Uganda ayaa gaadhay 20 qof.

Mutadawiciin iyo sidoo kale ciidamada qalabka sida ee dalkaasi ayaa wajahaya xaalado adag iyaga ku howlan baadigoobka dad masiibadaasi ka badbaaday. Waddooyinka qaar ayaa ah kuwa aan lamari karin.

Muuqaallo baraha bulshadu la soo dhigay ayaa muujinaya daadad xawli ku socda, baabuur ay daadaka qarqiyeen iyo dhul-beereed ay biyo maansheeyeen.

Wabiyaal dhowr ah oo ku yaalla gobollada Bugisu iyo Sebei ayaa qarka jabsaday kadib roobab mahiigaan ah oo Sabtidii iyo Axadii halkaa ka da’ay.