1 min read

Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Galmudug oo ku heshiiyay iskaashi ka dhan Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta dhinaca ammaanka ee Dowlad degaanka Soomaalida iyo kuwo dowlad goboleedka Galmudug oo kulan yeeshay ayaa ka wada hadlay sii xoojinta iskaashiga dhanka nabadgelyada xadka xilli Dowlad Deegaanka ay toddobaadkan wajahaysay duullaan Al Shabaab soo qaadday .

Kulankan ayaa imaanaya xilli uu is-badal xooggan ku yimid ammaanka degaannada ku teedsan xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Beddel Xiis oo ah la taliyaha ammaanka ee Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa BBC u sheegay in iyaga Galmudug ay ku heshiiyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Al Shabaab ayaa dhawaan weerarro ka geystay deegaanka Caato ee gobolka Bakool.

Sidoo kale wuxuu dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo ciidamada Dowlad Deegaanka uu ka dhacay tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feer-Feer.

Wasaaradda warfaafinta dalka Itoobiya oo Jimcihii warmurtiyeedkeeda toddobaadlaha soo saartay waxay sheegtay ku dhawaad 500 oo ka mid ah dagaallamayaasha Al-Shabaab iney toddobaadki hore xadka Itoobiya soo tallaabeen.

Itoobiya waxay sheegtay inay dishay ku dhawaad 200 oo ka tirsan Al Shabaab.

Al-Shabaab waxay dhankeeda sheegtay in ka badan 100 askari.