1 min read

Maraykanka oo ka digay in Al-Shabaab qorshaynayeen inay weeraro ka gaystaan gudaha Itoobiya.

Wasaaradda arrrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in la xakameeyay qorshe ballaaran ay Al Shabaab ku doonayeen inay ku qabsadaan dhul badan.

Wasaaradda oo soo xiganeysay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom), General Steven Townsend ayaa sheegtay “inay u muuqato in Itoobiyaanka ay si xooggaan uga hortaggeen isla markaana ugu guuleysteen dagaalka.”

General Steven Townsend wuxuu ka digay in Al Shabaab ay qorsheynayeen in weerarro fara badan ay ka geystaan Dowlad Deegaanka Soomaalida, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo shaley baahisay warbixinteeda toddobaadlaha ah.

Isbuucan dhexdiisa ayay xubno ka tirsan kooxdan iyo ciidanka Liyu booliska ku dagaallameen tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feerfeer.

Markii dambe waxaa dagaalka qayb ka noqday militeriga Itoobiya, labada dhinacna waxay sheegteen inuu mid walba khasaare gaarsiiyay midka kale.

Dagaalkan cusub ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalimihii la soo dhaafay uu socday dagaal u dhaxeeyay Liyu Boolis iyo Al-Shabaab kaas oo ka dhacay deegaanka Caato ee xuuduudda gobolka Bakool uu la wadaago Itoobiya.